Heshiis laga gaaray dirirtii Hiiraan ka dhacday.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Heshiis laga gaaray dirirtii Hiiraan ka dhacday.

Post by Hiiraan boy »

Heshiis laga gaaray dirirtii Hiiraan ka dhacday.

03 July 07 (Xogta.com) - Wax-garadka iyo Odayaasha beelaha dega gobalka Hiiiraan ayaa sheegay in ay xabad joojin dhax dhigeen laba beelood oo dhawaan ku dagaalantay tuulada Coomaan oo dhacda Waqooyiga mgaalada Beledweyne ee bartamaha gobalada dhexe Somalia .

Nabadoon Xaaji Cabdi Maxamad ayaa Saxaafada u sheegay in xabad joojintaan ay dhaqan gashay isla markaana ay wadaan qorshe nabad balaaran lagu dhex dhigayo labada beelood.

Nabadoonka waxa uu tibaaxay inay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada gebi ahaan, dhawaana ay kulan uga furi doonaan magaalada Beledweyne.

Qaar ka tirsan beelaha ku dagaalamay tuulada Coomaan ayaa soo dhaweeyay xabad joojintaan ay dhex dhigeen odoyaasha iyo waxgaradka gobalka Hiiraan.

Dhawaan ayaa dirir xoogan waxa ay tuulada Coomaan ku dhex martay laba maleeshiyo qabaa'il, iyadoo dagaalkaasi uu qasaaro xoogan dhaliyay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo tuulo hoos timaada gobalka Hiiraan sannadihii ugu dambeeyay ay dagaalo xoogan ku dhex maraan maleeshiyo beeleedyo kala taabacsan qabaa'ilo gobalka dega.

Maxamed Xasan Alfaatix
Xogta.com
Muqdisho
User avatar
Ugaas Diini
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4452
Joined: Mon Feb 28, 2005 1:04 am
Location: Dar Al-Islam

Re: Heshiis laga gaaray dirirtii Hiiraan ka dhacday.

Post by Ugaas Diini »

That is good news.
Cilmiile
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3722
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye

Re: Heshiis laga gaaray dirirtii Hiiraan ka dhacday.

Post by Cilmiile »

Stop the madness, Crocodile Food
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Heshiis laga gaaray dirirtii Hiiraan ka dhacday.

Post by Executive »

Good News
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”