Duqu: qabiil,qaran ma ka toli karaa?!
Aamiin Caamir, waa fannaan dhab ah, oo hibadii Eebbe ku beeray tub toosan iyo ulajeeddo qumman la aaday. Waa fannaan burush dhuuban iyo qasacad yar oo ay ku guda jiraan toddobada midab oo aslka ah, ka dhigay qalab dagaal.
Wuxuu ku tashaday; DA30, dhashiike, tekniko, AK47, dhammaan hubka noocyadiisa kala duwan oo si axmaqnimo ah loo soo hurgufay, in uu si fudud ugu aamusiyo masawir xaashi ku qoran. Waa wax aan la baciidsan Karin, in uu si fudud u aamusiyo hubka soo dhacaya oo idil. Hadda bartii cadowga wuxuu ula jiraa hal booddo ama laba.
Qabiil uma shaqeeyo mana soo galo hawshiisa, xigto gaar ah oo dhaafsan muwaadinka waxgaradka ma laha, ujeeddo gaar ah uma sahan sana, waa howlkar, hor u jeed ah.
Sawiradiisu waxay lee yihiin sixir –dhanka gurracan ma aha- dareenka qofka galiya xaalad gaar ah, kali qosol iyo isla hadal, marba dhan uu isu rogo qofku. Fannaanku, hadduu ku gulaysto qaddarka aad hortaagan tahay sawirka (lawxadda) in uu kugu dhextuuro bad aadan markaa hiyiga ku hayn, oo adoo ismoog kaa hadashiiyo, faraha aad taagtaagto, muran la’aan fannaankaasi, hantiyay aqoontii Eebbe ku mannaystay, muraadkiisina si hawl yar ayuu u taabay!.
Halkii Karikateer, waa hawl dhan oo sheeko ama filim ama riwaayad laga allifi karo. Lawxadaha Amiin Caamir oo aan kala sooc lahayn, waxay u dhigmaan ama wax dheeryihiin; tixaha suugaanta laga soo dhex saaro oo loo yaqaan; “Dareen jiitayaal”. Sawirada Aamiin Caamir ayaan daawaday la imana aroorin (ma bixin), ninka yiri, wax baa ka khaldane ha is’ogaado!.
Tilmaanta Amiin, ma soo koobi karo muraad dahsoonna ka ma lihi. Maqaalka oo sawirradiisu ii bileen mooyee dan kale oo meel iigu naban ma jirto.
Arartan, waxaan ku soo khatimay; Aamiin Caamiroow, Allaaha ku wanaajo, halka Soomaali gaarsii aad islee dahayna, Allaha ku fududeeyo.
Runtii, dhabanno hays waxaa noogu filan, kuwo maskaxda dabool qiro wayn looga gadaamay, oo kolkay isla kaliyaystaan sidatan isuwaraysta:
Warheedhe, midkii Aamiin Caamir ahaa,
masawirkuu maanta soo saaray ma aragtay?!.
Haaye, balaayada yaa waxakan u soo uruuriya?!
Ma kuu dhabbaa!,
Al-qaacido ayuu xirir la lee yahay!.
Wallee, anba waa is-iri.
Karikateero xayn ah oo Aamiin Caamir, cabbaar kolkaan hortaagnaa waxaa iiga soo booday dhawaq dheer iyo guux wayn oo dhulku ila gariiray. Waa sawaxan durbaan Afrikaan “African Daram” ama Reeme Soomaaliyeed daryaanki leh.
Duqii reerka u duubnaa, oo laga filayay “Olele Iscafin Heer Qaran ah” inuu baafiyo, ayaa durbaan garabka u suran si talantalli ah ula dhacaya laba Garruun oo waawayn. Dhagaha sacabada inta lagu furaystay, ayaa afarta jiho loo kala yaacay.
Dunsiib wuxuu ku bilaabay, kurdaddii (cambuurkii) gabadha soomaaliyeed bilicdeeda iyo jirkeeda inta dhawrsan lagu asturay, oo looga tolay maro sida maryihii la oran jiray: Maxamuudi, Jacfaan ama dhurwaayo, iyada loo baxshay; QARAN oo gabadhu xirrayd.
Kurdaddii gabadhu xirrayd, kolkuu u rogay kubbad dun ah oo faraha ugu jirta, wuxuu ku dhawaaqay Mashruuc damac lixaad leh uu ka dambeeyo, oo uu ku gali doono, baalasha kutubta taariikhada caalamiga ah lagu diiwaan gasho.
Badda cas iyo bad-wanynta hindiya, meel kale oo koofurta Soomaaliya ah in uu isaga daro damac ah baa galay. Kismaayo (Jubbada Hoose) oo u dhaw (goobwayn) oo ah halka wabiga Jubba uga daro badwaynta hindiya, waa barta, hadda fartu u saarantahay.
Mashruuca, diiraddu hadda saarantahay, qandaraaskiisi caalamiga ahaa oo tartankii loo galay mudnaan sare iyada oo la tixgalinayo waxaa ku guulaystay ciidama, “Duufaanta Daraawiishta Puntland”, oo saldhigoodu yaha “Boosaaso” Bariga Soomaaliya. Mashruucu, hadduu u hirgalo qaabka loo qorsheeyay wuxuu fududayn doonaa walaalaynta dadka ku nool labada gobol, oo waligeed lagu taamayay.
Mashuucaa waxaa dhinac socda tartan Kubbadda cagta ah oo dhexmari doona “Jubbooyinka Vs Puntland”, oo tabarha xeesha dheer oo naadiga Muqdishoow; “Salaad Cali jeelle” uu hadda qaban qaabadii iyo isudiyaarintii ka wada “Garoowe” caasimadda Maamul G. Puntland, isla markaana ku soo iibinayo cayaartoy cusub oo u safata naadiga uu tababara ka yahay
Xogtaasi, ma aha kaftan, iyo sheeko xariiro, ee sawir ka mid ah sawirrada faraha badan oo “Soomaalida maanta”. Haddii aad doonto xog dheeraad ah waxaad ka akhrin kartaa Web-page-ka Aamiin Caamir: www.aminarts.com
“Qaanuunka Waddooyinka” wuxuu jideeyaa markii maslaxadda bulshada loo garto, jidkii la doono in laga dhigo: “jid hal dhican oo kaliya loo qaado (One way traffic).
Haddaba, danta Soomaalida haddii ay ku jirto waddo (X) hal dhinac in loo maro, oo dhinac la xiro, maxaa loola yaabi, ruxii yiraahda: “baabuurka ka sii daba cas waddadu dhankay ka xirrayd waa baabuurkii Duqa!”. Ka tallaabsiga qanuun jira, hadduu Duqo u bareero, wax kale ma aha, ee wuxuu si cad noogu sheegay: “qaanuun oo idil agtiisa wax xurmo ah in uusan ku lahayn!”.
Mugga, soo waajib bulshada saaran ma aha: “in wadayaasha baabuurta lagu baraarujiyo ka fiirsashada qaanuunka waddooyinka, loona sheego socodka khaldan; shil, dhimasho iyo dhaawac in uu sababo. Ilaahoow na badbaadi.
Dhanka kale, labadan aragti teebaa gurracan, oo garasho jaan ah: “Qabiil in aan ka tagno oo qaran xaggiisa u kacno, ama qaran in aan ka tagno oo qabiil xaggiisa u kacno”. xagee, waddadii naga jirtaa, oo socod ku wanaagsan?.
Amiin Caamir iyo muwaadinka laabta san; jawaab shaafisa doonisteed, hadday ku khaldan yihiin, ummadda ha laga qabto, haddayse ku qumman yihiin, cidda khaldan ummadu ha qabato, Amiin iyo muwaadinka ha raacdo!.
Ugu dambayn, mee Cali Mahdi maxamed?!, odagii loo xil saaray Shirka dib-u-dhaca, lagu ibtileeyay oo magac iyo hadaf mid uu lee yahay aan la garan?!. Socodkii waddooyinku, hadday kharribmeen, muu gurigiisa ku hakado?. Indhaha waa isaga isku haystee, ma goor dhow ayuu la soo boodi:“Wadda loo maraa wad yaallaaye, wardheer dal wanaag sanaydaa!”.
Wasiirkii,Gaashaandhiggu mee?. Cayaaraha isagaa u xilsaaran, tababaraha xulka qarankana ehe, muu fir-fricooni iyo dadaal muujiyo?!...Mise, wuxuu rabaa tababarihii ka hoorreeyay, meeshii la marshay oo kale in cagta loo saaro?.
Baarlamaanka, oo xiriirka Olimbikada (Olympiad) Soomaaliya aha, hawshii ma laga wareejiyay?. Golaha wasiirrada oo “Guddiga Bixinta Qadaraasyada Qaranka” aha, goormaa ra’iisulwasaruhu awooddii qandaraas bixinta ka fara maroojiyay?.
Aga, gabadhu iyada oo sida gacantaa ah miyay na dhex-taagnaan?!.
Waxyigii, ay ii sheegeen sawirrada Aamiin Caamir, markan waa intaa.
Cabdiwali Sh. Maxamed
Wali_7_uk@yahoo.co.uk
Duqu: qabiil,qaran ma ka toli karaa?!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 1274 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 2 Replies
- 392 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 13 Replies
- 1122 Views
-
Last post by beauty_babe
-
- 0 Replies
- 223 Views
-
Last post by STOP!
-
- 1 Replies
- 428 Views
-
Last post by GAMES
-
- 6 Replies
- 443 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 281 Views
-
Last post by talyaaniman
-
- 10 Replies
- 1290 Views
-
Last post by hanqadh