eelay and garre make peace after 16 years

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

eelay and garre make peace after 16 years

Post by Hiiraan boy »

Beelaha Eelaay iyo Garre oo Soo Afjarey Colaadda u Dhaxeysey Mudada 16ka sano ah:
Warkii 12-Jul-2007 iyo Qormadii: aadan cusmaan

Sida uu noo sheegey wakiilka Ugaas Aadan Cali Macallin (Aadan Baniin),Xaaji Cali Cusmaan (Xaaji Cali Qoosh),waxaa colaad soo jirtey muddo ku dhow 16 sano oo ka soo billaabantey burburkii dowladdi dhaxe ee Soomaaliya,u dhaxeysey labadan beelood ee deriska ah taas oo sababtey barakac iyo dhimasho badan oo soo noqnoqdey.

Haddaba horraaanta bisha Julaay,ayaa nabaddoonada,culumaa’uddiinka labada Beelood waxay ku kulmeen deegaanada Farsooleey iyo Buurhakaba,ka dib markii dhowaan dilal aarggoosi ah dhaxmareen Malleeshiyaadka labada beelood.

Odeyaashan oo si niyad sami ah u wadahadley ayaa ugu dambeyntii waxay tuulada Farsooleey ku soo afjareen wixii colaad ahaa ee u dhaxeeyey,kuwaas oo ku balamey wixii dhaca in lagu simo odeyaasha iyo maamullada Buurhakaba,Qoryooleey,iyo Fullaay,oo aysan mar dambe soo laabnin colaad.

Sidoo kale odeyaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa ku heshiiyey inay xoolaha labada beelood u daaq tegi karaan deegaanada labada dhinac,taas oo laga baqeynin dil iyo dhac toona.

Waxana odeyaashaas ka mid dhinaca beesha Garre,Xaaji Cali Cusmaan (X.Cali Qoosh),Caaqil Cabdi Xaaji Aadan Magadlle,Nabaddoon Sheekh Xasan Sheekh C/raxmaan (Sheekh Xasan Gaaboow),Nabaddoon xaaji Aadan Geeddaaw, Ugaas madgaab Ugaas Faroole,Iidoow Aadan Cali iyo guddoomiyaha deegaanka Farsooley xaaji Madgaab iyo odeyaal kale oo aad u fara badan.

Dhinaca odeyaasha beesha Eelaay waxaa ka mid ah;Nabaddoon Maxmaed Cali Gaab,Nabaddoon Maadoow Axmed,Nabaddoon Baariyoow,Nabddoon seeraar,iyo guddoomiyaha degmada Buur-hakaba Awkeer.Ugu dambeyntii odeyaasha labada dhinac ayaa labada beelood u kala direy go’aanada heshiiska ay gaareen,waxayna ugu baaqeen inay si nabad ah ku wada noolaadaan oo aysan mar dambe oggolaan doonin colaad dhax marta labada beelood ee walaalaha ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”