Hadalkan ciwaanka aan uga dhigay maqaalkaygan waxaa laga soo xigtay ninka isku magaacabay Madaxweynaha Soomaliyeed Cabdullaahi yusuf Axmed mar uu la hadlaayey beesha uu ka soo jeedo, carriga Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London
Waxaa hadalkiisa sii xaqiijinaya ficilkiisa ku aadan jubbooyinka tan iyo intii ay gacanta ku dhigeen ciidamadii huwanta ahaa,ee ay hogaanka u hayeen kuwa ethopianka ah,
aan ka soo bilaabo xiligaase col Barre Aden shire oo ku magacownaa Wasiirka Gaashaandhigga dawladda cagajiidka ah ayuu ahaa inuu hogaamiyo ciidamada la wareegaya gacan ku haynta jubbooyinka ka dib maxkamadaha marka laga saaro,isla markiiba waxaa soo baxayey inuu jiro tartan lala galiyey col Afguduud si uu waardiye gaaban uga qabto dhaqdhaqaaqa ciidan ee col Barre
,isla markiibana waxaa bilowday guux ah in uu Barre hiiraale soo ceshaday awooddiisii jubbooyinka,waxaa xigsaday ammarro lagu siinayey in uu iska xaadiriyo magaalada Muqdisho,col Barre oo ah nin lagu yaqaan geesinimo waxa uu si cad u diiday inuu qaato ammarradaas bahdilka ah ilaa uu kismaayo dhex istaagay kana khudbeeyey beerta xorriyadd.kolkaa ka dibna uu yiri haddaan hooyaa inaan muqdisho aado,
khilaafka col Barre iyo col yusuf waxaan filayaa inuu halkaas ka soo biloeday,inkastoo ay horey isu yaqaaneen oo xitaa ay dagaalo isaga horyimaadeen xilligii Dawladdii hore cabduullahi isna uu hogaaminayey ururkii kulmis la oran jiray,wararka aan arrinkaas ka haynana ay yihiin incol Barre uu gacanta guusha isugu qaatay,aaga magaalada Gorayocawl ee waqooyiga soomaliya ku aadan.
Si kastaba xaalka ha ahaadee mar uu odaga madaxweynaha ku magacaabani uu soo gaaray carro Ingriis waxaa laga hayaa inuu tolkiisa ku qanciyey in haddii ay dawladdu shaqayn waydo uu ku mitidi doono kismaayo ,gacanta Harti uu soo galin doono,wuxuuse ilaaway in magaaladaasi ay weli joogaan raggii bsacaadka cunsiiyey general Morgen oo ka khibrad badnaa col afguduud xagga dagaalka,kana ciidan badnaa col yusuf.
Waxaa halkaa iiga soo muuqday in odagani eymka uu madaxweyne u doontayba ay ahayd arrinkaan kismaayo ka taagnaa ilaa 90maadkii.
Waxa uusan marnaba cindiga galin inuu waayi karo hiilka ciidamada ethopia oo aad moodo inuu ballan qaad cad ka haystay,kagana baxay inay kismaayo uga hiiliyaan beeshiisa tan kale (sade) oo xaq badan ku leh tikree iyo zenawi.
Ma laga yaabaahortii baa la shubi jiraye in looga dheereeyey kasbashada cududa ethopianka?mase laga yaaba in ethopianku ogyihiin dhibka ay leedahay hadday colaad la galaan Bessha Sade oo ku teedsan xudduuka dheer,haddii ay colloobaana ay dhib badan kala kulmi karaan sidii ay si xor ah ugu mari lahaayeen xuduudkaas dheer?
Arrimaas oo dhan waxaa ka sii muhiimsan qaranimada ay magaalada qudhi ihi kala muhiimsan tahay madaxweynahan da,da ah,miyaanay ahayn xilligii ay Beesha Sade doonan lahayd abaalkii milez ay u gashay,kuna khasbi lahayd in xilka laga tuuro col cuqdada la liita?
Ugu dambayn magaalada Muqdisho oo uu muuqata meel aan lagu kala baxayn beesha Sade ma iyadaa jaanis siinaysa Cabdullahi yusuf oo sugaysa inta uu ka soo farxalanayo muqdisho,ileen hadduu dagaalka muqdisho dhammaado waxa xiga waan wada ognahaye.
Waxaa intaas oo dhan ka muhiimsan in tii alle meesheeda taal,shacabka soomaliyeedna dhawaan gacmaha is qabsan doono iskana kicin doono cadowga ku habsaday ee abaalkii milez lagu lahaa mid dheeri ah loogu daray,kaasoo ah shacabkayga dhammee dhulkaygana kii hore ku darso,taasoo aanay marnaba u cuntami doonin ummadda soomaliyeed.
waxaan shacabka soomaliyeed guud ahaan gaar ahaan Beesha SADE ku dhiirrinayaa inay u istaago midaynta ummadda soomaliyeed wixii karaankooda aynan marnaba cid u daba fariisan midimada soomaliyeed.
wabbilaahi towfiiq
qore Maxamed Cabdi Shire(Lugafalaar)
Faallo: Dawladdaydu waa inay socotaa ama kismaayo waa gacant
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNetizen
- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 368 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 33 Replies
- 13493 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 21 Replies
- 2864 Views
-
Last post by Django
-
- 14 Replies
- 1229 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 17 Replies
- 2833 Views
-
Last post by Maroodijex
-
- 3 Replies
- 259 Views
-
Last post by JeyR
-
- 0 Replies
- 333 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 30 Replies
- 2290 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by The`Republic
-
- 0 Replies
- 411 Views
-
Last post by CoolPoisons