Not a Single Marehan went to the Shir in Xamar.
Posted: Mon Jul 16, 2007 2:37 pm
Gobolka Gedo oo ilaa iyo hadda ayan ka muuqan wax diyaar garoow ah oo la xariira ka qeyb galka Shirka Dib-u heshiisiinta ee ka furmay Muqdisho
Muqdisho, Somalia - Inkastoo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uu maalinamadii shaley uu si rasmi ah uu uga furmay magaaalada Muqdisho iyadoo shirkana ay ka soo qeyb galeen ergooyin kor u dhaafaya ilaa 900 oo qof ayaan ilaa iyo hadda waxaan degmooyinka Gobolka Gedo ka muuqan wax abaabul ah oo la xariira ka qeyb-gelida shirkaasi.
Hogaamiyayaasha dhaqanka ee Gobolka ayaa dhamaan waxa ay ku sugan yihiin Deegaanadooda, marka laga reebo Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo isagu sababo caafimaad weli ugu maqan Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethopi, lama sheegin furitaankii shirkii shaley cid ka tirsan Gobolka Gedo oo fadhidey Madasha shirka.
Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha DKMG ah ee Soomaaliya Maxamuud Sayid Aden ayaa ka maqnaanshaha shirka xubnaha Gedo waxaa uu ku tilmaamay mid la xariirta diyaaradii tegi lahayd gobolka oo soo qaadi lahayd ergooyinka oo dib u dhac ku timid iyo ergooyinka oo aan weli si rasmi ah aanan loo war gelinin.
Maxamuud Sayid ayaa waxaa uu sheegay in ay ku gacan seyreen xubno ka soo jeeda Gobolka oo ku sugan Muqdisho oo qorsheystey in ay matalaan dadka ku dhaqan gobolka, taasi ma aqbaleyno ayuu yiri in dad danahooda u jooga Muqdisho in shirka lagu martigeliyo, maadaama dadkii talada ay ka go'dey ay iminka ku sugan yihiin Degmooyinka Gobolka Gedo.
Xafiiska Wararka Allgedo ee Muqdisho-Soomaaliya.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com