Mbagathi Militia Shoot At Civilians Entering Bakara Market!
Posted: Wed Jul 18, 2007 10:05 am
Ciidamada dowladda oo rasaas ku ridayay dadka soo galaya suuqa Bakaaro.
Mogadishu 18, July 07 ( Sh.M.Network)- Rasaas aan loo meel dayin oo ay ciidamada Dowladda Maanta furayeen ayaa gebi ahaanba qal qal gelisey dadkii soo gali lahaa Suuqa Bakaaraha iyo dadka marayay waddooyinka Suuqaasi.
Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa ay maanta furayeen rasaas oo ay ku ridayeen wax allaale wixii ay ka shakiyaan.
Waxaa jirey in dadka soo gala maanta suuqa Bakaaro iyo kuwa degan suuqaasiba ay dhegahooda ku bateen rasaasta la furaayey kuwaasoo aan si dhab ahaan loo ogaan cidda lagu ridaayey.
Waxaa jirey in gawarida dad weynaha ay ka shaqeynaayeen wadada wadnaha oo si teel teel ahaa.
Waxaa jira qasaaro ay geysatay rasaastaan oo wali aan la ogeyn.
Dadka soo gala suuqaasi ayaa waxaa maanta ay ka wal walsanaayeen waxa ku dhici karey,iyaga oo markii ay soo galaan suuqaasi la kulmaan rasaas la ridaayey oo aan loo meel dayin.
Dadkan qaarkood oo Shabelle la hadlay yaa waxaa ay ku warameen in markii hore ay ogaayeen in marka uu dhaco qaraxyo ay rasaas maqli jireen laakiin hadda ay taasi ka duwan tahay oo rasaasta la iska ridaayey saaka barqadii iyadoo aan wax qaraxyo ah dhicin.
Xirnaanshiyaha Suuqa Bakaaro ayaa 2 todobaad jirsadey, iyadoo dadkuna ay ka walaacsan yihiin qaraxyada iyo tacshiiradaha ka dhaca maalin kasta suuqa Bakaaraha..
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
________________________________________________________________________________
Where are the defenders & champions of the Mbagathi regime? The hypocrites who used to shed tears for the criminals the ICU karbaashed?