Afbiijo/Gheedi begging SADE. (High level talks in V. Somalia
Posted: Fri Jul 20, 2007 10:03 am
Ergadii Nabada Ee Beesha SADE ee J/Hoose Oo Kulan La Qaatey Madaxda Ugu Sareeya DKMG ah ee Soomaaliya
Jul 19,2007
by Muqdisho-GEDO-NN
Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal wasaaraaha xukuumadda kMG ah Cali Maxamed Geedi, gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Aadam Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo xubno kale oo ka tirsan DKMG ah ayaa si wadajir ah waxay kulan ku yeesheen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ergadii Beesha SADE ee Jubbada hoose oo dhowaan soo gaartey magalada Muqdisho.
Kulankaasi oo shaley dhaxay ayaa saxaafadda loo diidey,inkastoo Xareed Cali Dur-Dur oo ah Gudoomiyaha Ergada Beesha SADE ee J/hoose ayaa Gedonet u sheegay in kulanka mas’uuliyiintaasi uu u badna qodobo dhowr ah oo ku saabsan Xaalada Magaalada Kismaayo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa. Xareed ayaa intaasi ku darey in maalinta sabtida lagu balamay in dib laysagu soo laabto isagoo tibaaxay,in waxyaabo badan oo laga aminsanaa masuuliyinta Kismaayo in ay la dhaceen Xubnaha dowladda iyo masuuliyiin ka socotey Dowlada Itoobiya.
Waxaanu u sheegnay ayuu yiri in aanu taageensa nahay siyaasada dowladda ,isla markaana aanu diyaar u nahay in aanu wada xaajood la galno kooxaha naga soo horjeeda,si loo dhameeyo colaada ka oogan Jubbada Hoose.
GEDO-NN-Muqdisho