BANAANBAX KONFUR AFRICA AGAINST XABAHSI *PICTURE*

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BANAANBAX KONFUR AFRICA AGAINST XABAHSI *PICTURE*

Post by Hiiraan boy »

Banaanbax ka dhan ah ciidamada Ethiopia oo ka dhacay dalka K/africa

Click here to find this article in English

Pretoria 20, July 07 ( Sh.M.Network)- Banaanbax ka dhan ah Fara galinta ciidamada Ethiopia iyo dhibaatooyinka ay ciidamadaasi ka wadaan dhulka Somali galbeed ayaa ka dhacay caasimadda dalka Koonfur Africa ee pretoria, Sida uu ku soo waramay Wariyaha shabelle ee dalkaasi, C/qaadir Axad.
Dhalinyaro Somali ah oo wata boor ay ku qoran tahay halku dhig ka dhan ah ciidamada Ethiopia

Boqolaal soomaali ah oo isgu jira odayaal iyo dhalinyaro ayaa socod ku marayey wadoonkinka waa weyn ee magaalada pretoria,sida uu shabelle u sheegey maxamed Daahir oo ah Madaxa qaban qaabiyeyaasha Banaanbaxaasi.

Banaanbaxaasi oo looga soo horjeedey gumaadka ey dowlada Ethopia ku heyso jabhada wax iska xureynta ogaadeyniya iyo shacabka soomaaliyeed oo ku nool kalinka 5aad.

Dadka banaanbaxeyey ayaa u gudbiyey dhambaalkoodi xafiiska madaxweynaha dalka k/Afrika mr,Thabo imbaki,ayadoo uu ka gudoomey xafiis hayaha madaxweynaha.

dadka banaanbaxeyey ayaa sitey boorar ey ku qoronyihiin ereyo ey muujinayaan sida ey ugu xunyihiin gumaadka loo geysanayo walaalahood soomaaliyeed.

ugu dambeyntii banaanbaxaasi ayaa ku dhamaadey jawi wanaagsan.

Sawirada banaanbaxa kala soco goordhow halkaan.
C/qaadir Axad.

Click here to find this article in English

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net

http://www.shabelle.net/2007/july/n12408.htm#1
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”