Midina waa Gaboose tababarkii Abtigii Maxamed Siyaad Bare ayuu qabaa waayo isaga ayuu ku soo ababay oo uu ku soo ag-koray oo in badan la soo shaqeynayey, Markaa waxaad moodaa sidii uu abtigii xoogga ugu qabsaday [dalka] inuu isna xoog Urur[Qaran] ugu sameysto uu doonayo dabeetana uu Gudoomiye ka noqdo, dabeetana uu Xisbi noqdo dabeetana uu sidaa Madaxweyne ku noqdo, laakiin waa inuu xusuustaa abigiiba [Maxamed Siyaad Barre] 21-sanadood ayuu dalkan soo xukumayey, maantana uu ka maqan yahay oo aanu waxba ka hayn.
Ninkasta oo soo xukuma oo keli-talisnimo soo sameeya wakhtigiisu mar uu dhamaado ayuu leeyahay. Markaa waxaan kula talin lahaa Gaboose inuu isaga hadho fowdadan, rebshada iyo Waxan uu Xukuummadda ag-eryayo, iyo Jiq ku sii iyo yaa na taaban kara meel-walba waanu ka shaqeyn karnaa cidd-na kama weyna sharciga, haddii aroorta sharciga la geeyo [Gaboose] qof shiciba ayuu noqonayaa.











