Wasiirka Cadaalada Somaliland Iyo Gud/Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada oo Socdaal Kadis ah Ku Tagay Laas-caanood
Hargeysa (Qaran)-Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Md Axmed Xasan Cali [Casoowe] oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan aqalkaas ayaa Caawa gaadhay magaalada laascaanood ee Gobolka Sool oo ay socdaal kadis ah maanta ugu ambo-baxeen Deegaanka ay ka soo jeedaan.
Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka wasaarada Cadaaladu,ayaan hore loo sii shaacin isla markaana aan waxba lagala socon ujeedada uu salka ku hayo,has yeeshee Md Axmed Xasan Cali ayaa caawa xaqiijiyay inay gaadheen Magaalada laas-caanood
“Waxa Socdaalkayagu la xidhiidhaa Xog-ogaal u noqoshada Xaalada dadka iyo duunyada Gobolka Sool”Ayuu yidhi Wasiirka Cadaalada oo si kooban uga hadlay booqashadooda xiligan ee magaalada Laas-caanood.
Wisiirku wuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah oo intaa ka badan ka bixiyo Socdaalka kadiska ah ee uu ugu baqoolay Gobolka uu ka soo jeedo.
Waxa kale oo uu intaas ku daray in mudada sadexda cisho ah ee ay Laascaanood joogaan ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan odayaasha Iyo Waxgradka Deegaankaas.
Socdaalka Weftigan ayaa ku soo beegmay xili uu magaalada Laas-caanood ku sugan yahay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Putland ee dhawaan Cadde Muuse shaqada ka caydhiyay kana mid ah siyaasiyiinta Gobolka Sool , Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa hore uga tirsanaan jiray xukumadihii hore ee Somaliland siiba xikigii Cigaal isaga oo ahaa Gudoomiyihii Aqalka Wakiilada ee xiligaasi.
Dhanka kalena magaalada Buuhoodleha yaa doraad lagaga dhawaaqay in la qaato lacagta Somaliland, kadib markii dadkii deegaankaasi ay meceeshadoodii cirka isku shareertay taasi oo ay sababtay lacag faalso ah oo kaga soo burqantay xaga gobolada Puntland, taasi oo kicsay ganacsatadii yaryarka ahayd isla markaasna cirka ku shareertay meceeshadii.
Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa-
Somaliland officials visit lascanood
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
Re: Somaliland officials visit lascanood
Dhuumashey ku tageen, these people are stealing from Somaliland, wehn they are in Hargeisa they are Somalilanders when they enter Laascaanood they will wear the Dooro shirts and claim no Somaliland, Reer Somaliland should never trust hypocrites from that region until the Somaliland flag is flying over Sool Bari then these so called officials can be trusted with positions in a government representative of them, until then, every SL shilling spent on Wasiiradooda ku quraacda ku qadeeya kuna casheeya xoolaha agoonta ay aabayaashood dileen is xaaraan
- The Magnificent
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2463
- Joined: Wed Oct 25, 2006 7:29 pm
- Location: Chillin' and Drinking 2 cubs of Arabian Tea With General Mohamed Said Hirsi 'Morgan' !!!!!!
Re: Somaliland officials visit lascanood
Not one single Iidoor guy came to Laascaanood. The delegates are all hail from the Beesha Dhulbahante, from the larger DAAROOD family clan.
I really don't understand why post such a threat like this, when the delegates and the location they came is all about one particular famous qabil that's named DHULBAHANTE.
I would understand, if the delegates were Iidoor, but it has been said that there is NO one single delegate that hails from the Iidoor clan. DAZ WAZ SUUUUUUUP! ! ! ! !
Iidoor wa laga harameey caaro Dhulbahante & Warsangeli !




I really don't understand why post such a threat like this, when the delegates and the location they came is all about one particular famous qabil that's named DHULBAHANTE.




Iidoor wa laga harameey caaro Dhulbahante & Warsangeli !



-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 441 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 18 Replies
- 1545 Views
-
Last post by adam2000
-
- 59 Replies
- 3375 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 3 Replies
- 727 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 1 Replies
- 472 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 2 Replies
- 688 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 4 Replies
- 564 Views
-
Last post by *jr
-
- 0 Replies
- 428 Views
-
Last post by Son_of_Somalia