Weeraro madaafiic ah iyo rasaas xoogan oo caawa saqdii dhexe ka bilowday Muqdisho
Click here to find shabelle news in English
Mogadishu 02, August 07 ( Sh.M.Network) Madaafiic iyo rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen.
Madaafiicdaan iyo rasaasta xoogan oo bilaabatay caawa abaaro 11:30 Am saqdii dhexe ayaa laga maqlayaa agagaarka warshaddii hore ee Tolmada, X/jadiid, iyadoo qeybo ka mid ah xaafadda ay ku soo dhaceen madaafiic.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka X/jadiid, In ka badan 10 madaafiic loo maleynayo in ay yihiin hoobiyeyaal ayaa laqga maqlay agagaarka X/jadiid, kuwaasi oo u muuqday in ay isdhaafsanayeen ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh Stadio Muqdisho iyo kooxo kale oo an la garaneyn oo iyagu madaafiic ku weeraray halkaasi.
Lama oga wali qasaaraha ay geysteen weeraradaan madaafiicda ah oo wali si teel teel ah uga soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Sidoo kale rasaas xoogan oo u muuqata mid la is dhaafsanayo ayaa laga maqlayaa agagaarka warshaddii hore ee Tolmada oo fariisin u ah ciidamada dowladda.
Sida uu shabelle u sheegay mid ka mid ah dadka degan Towfiiq, Hal madfax ayaa ku soo dhacay halkaasi, kaasi oo ay soo rideen ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh Stadio Muqdisho oo ka jawaabayay weeraro lagu qaaday.




