Breaking News:Another top dabadhilif taken out tonight......

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Breaking News:Another top dabadhilif taken out tonight......

Post by adanboy »

This time Yaaqshiids district commissioner...Very important district Cool up somalia Down with traitors and the enemy of Somalia down


Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid oo caawa lagu dilay Muqdisho.
Click here to find Shabelle news in English
Shabelle to air news in English
Mogadishu 03, August 07 ( Sh.M.Network) Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Xaaji Cali Fiidoow ayaa caawa salaadii ceshaha ka dib kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka guriugiisa ee isgoyska 4ta Jardiin ee magaalada Muqdisho.

Sida ay shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah, marxuumka ayaa kooxo aan la garaneyn wax ay rasaas kula beegsadeen agagaarka gurigiisa xilli uu ka soo baxay salaadii ceshaha.

Marxuumka ayaa isagoo dhaawac ah laga qaaday halkaasi, waxaana uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Kooxaha falkaan dilka ah geystay ayaa waxa ay wateen gaari Hoomeey ah, waxaana la sheegay in ay u gargaraaceen guriga xilli uu guddoomiyaha ka soo baxay salaadii ceshaha.

Sidoo kale rasaastii lala beegsaday guddoomyaha ayaa waxaa ku dhintey nin kale oo rayid ah halka mid kalena uu ku dhaawacmay sida ay ku waramayaan Goobjoogayaal.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay intaasi ku dareen in dhacdadani ka dib kooxo kale burcad ah ay boobeen dukaan ku yaala halka uu falku ka dhacay.

Waa guddoomiyihii labaad ee degmada Yaaqshiid oo shirqool ceenkaan oo kale ah lagu dilo, iyadoo kal hore Muxudiin Xasan Xaaji oo ka horreeyay Marxuumkaan horey loo dilay.

Dhowaan ayay aheyd markii K/xigeenkii degmada Yaaqshiid Nuur Cilmi ay toogasho ku dileen kooxo aan la garaneyn.


Wixii ku soo kordha kala soco shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”