For the first time Awdal Vs Togdheer
Gobolka Awdal Oo Ka Badiyey Gobolka Maroodi Jeex Una Soo Baxay Finalka
Buraoonnline.tk — Hargeisa, Somaliland — 8 August, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (Buraoonnline.tk) Waxa hadda daqiiqado ka hor ku dhamaatay garoonka ciyaraaha ee casimada Hargeysa ciyaar aad u xiiso badan oo halkaas ku dhex martay ciyaartoyga gobolka Awdal iyo Maroodi Jeex ee Hargeysa. Ciyarta oo wakhtigeedi caadiga ee loogu talo galay ku dhamaatay 1-1 ayaa aakhrikii waxa lagu kala baxay rigoorayaal kuwaas oo ay ku guulaysteen gobolka Awdal.
Gobolka Awadal ayaa waxa uu maalinta Jimcaha haddii Eebe Idmo la ciyaaro doonaa ciyaarta Finalka ee kama danbaysta gobolka Togdheer oo isagu hore ugu soo baxay Finalka kadib markii uu ka badiyey gobolka Sanaag.
www.Buraoonline.tk


