August 10, 2007 - 15:51
Awdal oo gashay kaalinta 2aad ciyaarta gobolada Somaliland
Hashim Goth, ANN =
HARGAYSA,10 Aug. 2007--Ciyaar aad u xiisabadnayd oo loogu tartamayay koobka ciyaaraha Somaliland, ayaa maanta gelinkii dambe ku dhexmartay xulalka Awdal iyo Togdheer, Garoonka ciyaaraha ee Hargaysa Studiam. Ciyaarta ayaa waxa ka soo qayb galay kumayaal oo qof oo taageerayaal u kala ahaa xulalka ciyaarayay. waxa iyagna daawanayay wasiiro , Maayrka Boorama iyo madax ka socotay xisbiyada Qaranka.
Ciyaarta ayaa ahayd mid ku bilaabantay Jawi aad u fiican, labada xul ayaa muujiyay ciyaar wanaag, markay gaadhay daqiiqadii 32 ayaa waxa gool dhaliyay ciyaartoy ka tirsan xulka G/Awdal oo la yidhaa Xasan C/laahi Dafe.
Ciyaartiina qaybtii hore waxay ku dhamaatay hal gool iyo eber, Balse markii la isku soo noqday ayaa daqiiqadii 60 aad waxa khalad loo qabtay kooxda togdheer meel diilinta goolka Awdal agtiisa ah, waxaanay noqotay in loo dhigo Rigoore, halkaasna waxa lagu barbareeyay xulka Awdal.
Ciyaartii waxay ku dhamaatay 90kii daqiiqo iyada oo barbaro la yahay, lagumana darin wakhti dheeraad ah, ka dibna waxaa la dhigay Rigoorayaal ama laaga tooska ah, Waxayna koox walba laagatay 11 jeer, Awdal waxay dhalisay 8 gool, togdheerna waxay dhalisay 9 gool, taas oo ay guushii ku raacday togdheer, waxaana aad looga baqayay in barbaro ay yimaadaan xaga laagashada, oo Nasiib lagu kala saaro, mase dhicin ee laagii u dambeeyay ayaa laga qabtay xulka Awdal.
Dhanka Amaanka ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay iyada oo laga baqa qabay in ay dhacaan rabshado la mid ah kuwii hore u dhacay. waxaana joogay boqolaal Boolis ah oo wata gaadiidka ciidanka nabadgelyada.
Ciyaara orodka 5000 M shanta kun ee mitir ayaa iyadna ka socotay garoonka lagu ciyaarayay, waxaana badiyay ciyaarta orodka G/Awdal wiil la yidhaa Shirwac.
Awdal waxay hore u lahayd 3 biladood oo dahab ah iyo mid qalin ah. maantana waxay qaadatay bilad dahab ah, waana gobolka ugu bilado badan Somaliland.
AWDAL OO GASHAY KAALINTA 2AAD CIYAARTA GOBALADA SOMALILAND
Moderator: Moderators
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 448 Views
-
Last post by Wareer
-
- 0 Replies
- 4662 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 3 Replies
- 434 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 386 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 644 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 570 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 26 Replies
- 1695 Views
-
Last post by Madmadoobe
-
- 0 Replies
- 399 Views
-
Last post by Hiiraan boy