Dabo-Dhilif bombs kill two kids in Dayniile

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Dabo-Dhilif bombs kill two kids in Dayniile

Post by DawladSade »

Labo ardey ah oo ku geeriyooday qarax saakay ka dhacay xaafadda Gubta ee Muqdisho

Click here to find this article in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 26, August 07 ( Sh.M.Network) - Labo ardey ah ayaa ku geeriyooday qof kale oo rayid ahna waa uu ku dhaawacmay qarax saakay ka dhacay meel ku dhow goob wax lagu barto oo ku taala deegaanka Gubta ee magaalada Muqdisho sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxaan oo ahaa miino ku aasneyd wadada ayaa waxa uu ka dhacay Agagaarka dugsiga hoose dhexe ee Alcaaalami, xilli ardeyda ay sii galeysay, waxaana qaraxa ku geeriyooday labo ka mid ah ardeyda iyo qof kale oo rayid ah oo wadada marayay.

Maamulaha iskuulka Al-amal oo ku dhow dugsiga Al-caalami ee ardeyda ay ka dhinteen ee xaafadda Gubta Dr. Max’ed Axmed Faarax ayaa Shabelle u sheegay in ay ka argagaxeen qaraxaasi oo uu ku tilmaamay walxaha qarxa oo wadada dhinaceeda lagu soo qariyay.

Lama soo sheegin wax ciidamo dowladda ka tirsan oo wadadaasi marayaya xilligii qaraxa uu dhacayay.

Maamulaha ayaa waxa uu sheegay in meydka labo ka mid ah ardeydiisa uu ka qaaday halkaasi, isla markaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay arinkaasi.


Ma ahan markii ugu horreysay oo ardey ay ku waxyeeloobmaan qarax ceenkaan oo kale ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Click here to find this article in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”