Inta hoosdaloolada wadiyo, horor ka gaashaanta

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somali2003
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1729
Joined: Sun Oct 26, 2003 7:00 pm
Location: GaadhHaye, Royal Army of Sultan M.
Contact:

Inta hoosdaloolada wadiyo, horor ka gaashaanta

Post by Somali2003 »

Inkastood hamuun badan qabtoo, gaaja hidin weydo
Hayinkaaga lama gawraciyo, heetista irmaane
Waxa la haybah hadaftoo baxdiyo, hodonka geedaha’e
Dhulku waa halbawlaha naftiyo, hooya aan gurine
Waa hoy dadkiyo duunyaduba, ka haqab-beelaane
Hanti weeye laysaga dhintiyo, dhaxal lahaystaaye
Waa hibo indhaha daawadaa, u hanqal taagaane
Waa hays-barwaqiyo wanaag, laga helaayaaye
Wa haleela kuu curatayoo, ubad ku heemaaye
Waa huga dharkaagoo Ilaah, kaaga dhigay hoy’e
Waxaad haysataan xoolahaa, laynugu hubaaye
Ma ogtahay hadhkiyo geedku, waa himiladoodiiye
Afarta hilaadshee haddaan, hore u wey daarto
Waa wada hawaar SOOL ninkey, dani ka haysoow’e
Hurgumaa lamoodaa dhirtii, hadaftu saarnayde
Huluc iyo birbaa lagaga dhigay, gale habaas weyne
Hadh baad qiiqa mooddaa kobaha, huraya maantiiye
Habeenkiina belelkaad sidii, hir u arkeysaaye
Sida had bakhtiga ugu dhacaa, col u hob-sheeyaaye
Haawey shisheeyiyo Abbow, Heeranaa tubane
Sida awr hayina ood hayaan, reera kaga guurtey
Ama maal hadhiinoobey oo, looga haray meyti
Waxa nacabku kala hooshayaa, mahurtadiiniiye
Loona Hamran mayoo adaa, gabay halkaagiiye
Adinkaa ka hawl galay intaad, hiil u geli layde


Enjoy the full poem by this link.



By Qamaan http://www.dhahar.com/article.php?articleid=2367
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”