


Maxaad Kala Socotaa Kulamadii Beelaha Sade Iyo Kablalaxa Ku Dhexmarayay Magaalada Mogdisho
Sep 10,2007
byMogdisho-Somaliya-GNN
Kulamadii beelaha sade iyo Kablaxa ku dhexmarayay magaalada Xamar ayaa ilo wareedyo ku dhowdhow kulamadaasi sheegayaan inuu hakad ku yimid kadib markii dhinacyada la heshiisiinayo ay soo bandhigeen qodobo laisku mariwaayay.
Kulmadaani oo ay garwadeen ka yihiin hogaamiyo dhaqameedyo iyo siyaasiyiin aan ka tirsanayn beelaha la dhexdhexaadinayo ayaa codsaday in labada dhinac ay dib isugu laabtaan islamarkaana ay kasoo tanaasulaan qodobada laisku mari waayay qaarkood si markaasi kulamadii ay u sii socdaan.
Beesha Kablalax ayaa lagu soo waramayaa in qodobada ay soo bandhigeen ay ka mid yihiin in ciidamada gutada Seddaxaad laga saaro magaalada Kismaanyo,dibna loogu soo celiyo ciidankii guutada Kowaad ee uu hogaamin jiraya C/risaaq Afguduud iyo in ragii ka tirsanaa maamulkii magaalada Kismaanyo iskood isaga baxay dib ay u soo laabtaan.Halka Beesha Sade qodobada ay soo bandhigeen ay ka mid yihiin in Seddaxdii nin ee Magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya lagu afduubtay la keeno iyo madaama beesha Harti ay dagaan ahaan u badan yihiin goballada Puntland ay maamulaan halka beesha Ogadeen oo u badan killinka Shanaad ee wadanka Itoobiyana ay maamulaan degaankooda si taasi la mid ahna beesha sade oo u badan gobalada Jubooyinka ay xaq u leeyihiin inay maamushaan degaankooda.
Waxay sidoo kale beesha Sade oo jawaab ka bixisay qodob ka mid ah qodobadii ay dhinaca kale soo bandhigeen sheegeen in ciidankii dowlada ay ku sugan yihiin magaalada Kismaanyo iyadoo maamulkii ay dowada soo magacawdayna uu sidiisa u shaqaynayo marka laga reebo seddax nin oo ay sheegeen inay hayb qabiil isku raceen,diyaarna ay hadda iyo mar horaba ay u yihiin inay magaalada dib ugu soo laabtaan hawlahoodii loo soo magacaabayna ay sii wataan waa sida ay hadalka u dhigeen.
Isku soo wada duuduuboo waxaa muuqanaysa in dhinacyada la heshiisiinayo ay soo bandhigayan qodobo ad adag kauwaasoo aan suuragalinayn sii socoshada kulamadaasi.
Xarunta Warqabadka Gedo News Network