letter to last vice president of somalia. dont accept tigray

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

letter to last vice president of somalia. dont accept tigray

Post by Hiiraan boy »

WARQAD FURAN TO : MADAXWAYNE KU XIGEENKII HORE EE SOOMAALIYAGENARAAL MOHAMED ALI SAMATER

London 18/09/2007

Marka hore iga gudoon salaan iyo ramadaan wanaagsan Jaalle Madaxwayne Mohamed Ali Samater,waxaan doonayaa in aan warqad furan ku soo mariyo website-yada Soomaalida oo ku saabsan,war ku soo baxay qaar ka tirsan website-yada Soomaalida sida Dayniile,warkaas oo ahaa war u sii daayey ninka u khaabilsan arimaha dibadda kooxda shaqaalaha u ah Tigreega ee la yiraahdo Xuseen Ceelaabe Faahiye oo sheegay sidaten:

“Xuseen Ceelaabe Faahiye ' Cali Samatar dowladdu waxey u magacowday safiirka Talyaaniga, waana gaarsiinay Dikreetada lagu magacaabay, in dhowaan uu halkan soo gaaro ayaan rajeyneynaa”

Hadaba Madaxwayne arinkaa iyada ah, waxay ummadda Soomaaliyeed ku noqotey arin ay la yaaban oo ay ka fajacaan suurtagalnimadiisa,sida ay ku dhici karta nin ka mid haa madaxdii Soomaaliya xilalkii ugu waynaa ka soo qabtay barisamaadkii ,kana mid ahaa madaxdii dhaliyey dowladii kacaanka ahayd ee dalkeena maamulaysay 21 ka sanadood ( 21 oktobar 1969 ilaa 26 janaayo 1991)inuu khaato jagada safiirka Soomaaliya u fadhiyo dalka Talyaaniga.

Waxaan warqadaan kugu soo direy inaa ku xusuusiyo waxaa ka taagan dalkeena ,oo aan ogahay inaa la socotid waayo aragnimo badan aad u leedahay ,balse waxaan rabaa inaa sharaxaad ka siiyo, waxa ay doonaayaan kuwa raba inay sumcadaada hoos u dhigaan dambiga ay galena aad la gasho oo mudan inaa ku iftimiyo si aad goaan uga qaadato,go’aankaas oo noqon doono mid taariikhda ku gala sax iyo khalad.

Ummada Soomaaliyeed waxay kuligood ku khirsan yihiin inaa tahay inaa tahay muwaadin Soomaaliyeed ahna raga ugu horeeya xaga ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed,taariikh lama iloobaana ku leh guushii dagaalkii 1977 ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethopia.


Waxaana ka mid tahay raga fara ku tiriska ah ee aan ka qayb qadaanin dagaaladii Sokeeya ee ka dhacay dalkeena Soomaaliya kadib burburkii dowladii aad madaxda ka aheyd,dalkana dibbada uga maqan mudo dhan 17 sanadood.

Hadaba Madaxwayne ma waxaa rabtaa inaa la shaqeeyso koox dalkeena baday taariikh xumo weyn oo lama iloobaan ah,sidaan la socono wareysi aad siisay BBC-da Laanta AF-Soomaliga ayaa ku tiri sidatan:

“waxaa sharaf ii ah oo aan ka tagayaa taariikh fiican Libaaxii Geeska Afrika ayaa ka dhigay bisadii Geeskii Afrika oo aad u la jeeday dagaalkii aad hogaaminaysay ee dhaxmarey ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed iyo cadawga xabashida 1977 ee aad kaga adkaateen balse quwado waaweyn oo dagaalka soo galey aad uga soo baxdeen dagaalka kadib markii ay u soo gurmadeen Ethopia”

Kooxda u ah shaqaalaha ee gumaysiga galiyey dalkii aad madaxwaynaha ka aheyd waxay sameyeen waxyaabo baden oo aan rabo inaa kaa xusuusiyo arimo adiga ku khuseeya oo ay sameyeen ciidamada qabsadey dalkeena ,kuwaas oo dalka ku qabsadey ama ku soo galey Soomaali ku sheegyo raba inay ku khiyanaan si ay dambi ku galiyaan aadan la galin.

Xaruuntii Wasaarada Gashaandhiga Soomaaliya oo ku aheyd xafiiskaada ,meeshii aad ka maamusheen dagaalkii 1977 lagana xukumay ciidammada qalabka sida ee qarankii Soomaaliyeed waxaa dagan ciidamo Ethopian ah oo waxaa ka taagan ama ka babanaya calanka Ethopia iyo calanka ciidamada qalabka sida ee Ethopia.

Waxay tageen oo ay sawiro ka qaateen ciidamada Ethopia iyo Tvga Ethopia aqalkii aad ka daganeyd magaalada Muqdisho

Villa Soomaaliya waxaa ka taagan Calanka dalka Ethopia ,waxayna xaruun u tahey ninka Soomaaliya ciidamada qabsadey hogaamiya ee la yiraahdo 2 alifle Gabre oo ay Soomaalida u yaqaniin General Gabre madama aysan garan Karin Soomalidu inaa lagu noqon Karin 16 sano Genaraal ciidan waayo 16 sano ka hor waxaa u joogay Soomaliya isagoo jabhad ah.

Ciidamada Ethopia ee dalka qabsadey waxay xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed ee diidan joogitankooda iyagoo kaga soo duulaya xaruumihii ciidamada qalabka sida Soomaaliya ee aad adiga madaxda ka aheyd.

Waxay dad badani is waydinayaan sida ay ku dhici karto in aad la shaqeeyso dad u horseeday dalkeena mugdi iyo magac xumo, walina ku qaba colaad fog, kuwaas oo ahaa kuwii markii aad madaxda ka aheyd dalka kaga soo duulay Ethopia iyo kuwii riday dowladii Soomaaliyeed ee qaranka ahayd ,kuwaas oo ahaa jabhado qabaailka ku dhisnaa.

Waxaa xusid mudan inaa ku xusuusiyo Jaalle Madaxwayne Mohamed Ali Samater inaysan jirin dowlad citirafsan kooxdatan marka laga reebo Ethopia & Kenya oo ay u yihiin u adeegayaal dalkooda u dhibaateeya cadawga tariikhda xun naga dhaxeysa.

Kooxdatan waxay ka tanasuleen dhulalka Soomaaliya ee ku maqan wadamada Ethopia iyo Kenya waxayna Jamhuriyadii Soomaliya ka dhigeen mid ka liita ama ka hooseeya dhulka la haystey qarniyaal.

Waxay u magacaabeen dad aan laheyn aqoon guud iyo mid diplomasiyadeed safiiro shaqsiyaad ay wadagaan hayb iyo dano, hadaa eegto taarikhdooda ragaas ay magacaabeen waa darawalo taxi,maqaayadlayaal ,kawaanlayaal,dalalayaal,foorjaristayaal,foorno dubayaal,iyo tuug hore.

Wamadamo badan oo caalamka ah ayaa ku gacansayrey inay aqbalaan inay u aqoonsadan dad aan waxbo aheyn darajo been ah oo tolnimo loogu soo magacaabay wata safiirno ama qunsulinimo ,waxaana ka mid ah wadamada sida cad u diiday SIIRIYA,RUUSHKA,MAREYKANKA FRANCE EMARAADKA,KUWAIT,QATAR,OMAN ,YEMEN,LIBIYA ,ITALY iyo South Africa, Germany ,Belguim etc.

Waxay aniga ila tahay inadan qaadanin oo aadan yeelin inay ku shirqoolan talis dambiyo wawayn ka galey dalka,dadka iyo diinta Islaamka,oo raba inay faraha ku galiyaan wax aadan ka mid aheyn si ay u garaan dano ay ka leeyihiin wadanka ITALY oo horey u diiday inay aqoonsato dowlad ku sheega ay hogaamiyaan khaainul wadaniyiin aan damiir laheyn kadib markii ay Ali Ugaas Abdulle u magacaaben inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, diidmadaas ayaa keentey inay rabaan inay mar labaad adiga kugu shir tagaan madaama Dowlada Talyaaniga si wayn ay ku taqaan ayay rabaan u adeegayasha Tigreega inay adiga ku isticmalaan si ay uga faaideystaan danaha ay ka leeyihiin Dowlada Talyaaniga.

Waxaa kale cad in Dowlada Sacuudiga ay u diiday inay aqoonsato Pasapoor been ah oo ay lacago uga gurteen dad aan lahayn waayo aragnimo oo un wax ku taageera hebel waa reerkeena waxa u rabo waa rabnaa balse ogeyn ujeedada laga lahaa arinkaas.

Gabagabadii warqadeyda waxaan is leeyahay in aad go’aan ka qaadan doonto arinkaa isaga ah ee aan kala hadlay oo mudan inaa jawaab ka bixiso dag dag ah si ummada Soomaaliyeed ugu kala cadaato mowqifkaada iyo rabitaankaada.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “waa la doogi doonaa ee yaan la dacaroonin” oo aan ula jeedo hadii aad rabto xil oo xil khiimo leeyahay, horey ayaad u soo martey xil kii ugu sareyay uguna fiicnaa taariikhda Soomaaliya ee ha ku qatalmin lugooyada raga dhooqeysan ee damiirka ka dhintey ee maanta dable xun oo injir leh ka amar qaadanaya.

Ummadda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa halgan kii ugu dambeeyay ee looga xoreynaayo Tigreega iyo dabadhilifyada u wato ee waxaa lagaa doonaayaa inaa kala qayb qaadato oo soo gudbiso istaraajiyada dalka lagu xoreynaayo oo aad talo ka dhiibataa arinkaas madaama aad qibrad weyn u leedahay sida dharbaaxada loogala daalo cadawga.

Hadaa dooneysid darajo iska sug dalka waa xoroobayaa safiirka United Nation Soomaaliya u fadhiya ayaaba si sahlan ku noqoneysaa waayo Raga rabo inay ku dhooqeeyan waxba uma harin oo 4 sano maxay qabteen ma jirto, joogitaankoodana waxay ku xiran tahay inta Tigreega ay xooga ku joogaan Soomaaliya.

Dardaarankeygu waxaa weeye Jaalle Madaxwayne wax Soomaali kuwada dhan tahay ka noqo waxaa rabto ee ha iska dilin magacaada wayn sharaftaadana hoos ha u dhigin,waayo aragnimadaada qaranka Soomaaliyeed kama maarmo ee waxaa la sugtaa qaran ku khalma oo khiimo leh kuna khadarin doona.

Soomaaliya Soomaali baa leh

Waan ku salamayaa mar labaad

Mahadsanid

Dhamaad

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

Somali forum for peace and democaracy

mrsomalia@hotmail.com

London England

Xafiiska Wararka Ee , Qaahira , Masar

Cairodayniilecom@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”