Page 1 of 1

Ogaden and Galjecel fight again in Burgabo. Marehan sends ar

Posted: Thu Sep 20, 2007 7:19 am
by Alta Vista [Bot2]
Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyootay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo laba beel ku dhex maray Deegaanka Buur-Gaabo ee Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkan ayaa dhacay galinkii dambe ee Shalay, kaasoo dhex maray Beelaha Gaal-jecel iyo Ogaadeen, iyadoo aan si rasmi ah loo ogaan karina qasaaraha ayaa hadana warar soo baxaya ay sheegayaan in qasaaraha uu gaarayo ku dhowaad toban ruux oo dhimasho ah, iyo dhaawaca tiro kale oo ka badan.

Qaar ka mid ah Dadka deegaanka Buurgaabo, oo Simba kula xiriirtay qadka Taleefanka ayaa tilmaamay in mdi ka mid ah maleeshiyaadkii dagaalamayay laga saaro deegaanka, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin Jaziiradaha Manaraama Raaskambooni, oo ka tirsan Jaziiradaha Koonfureen ee gobolka J/Hoose.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo beelahan ay ku dagaalamaan Jaziiradaha gobolka, hasa ahaatee waxaa uu kusoo beegmay, xilli horaantii Bishii August ee sanadkan heshiis ay kala saxiixdeen Odayaasha iyo wax garadka labadan beel.

Re: Ogaden and Galjecel fight again in Burgabo. Marehan sends ar

Posted: Thu Sep 20, 2007 8:34 am
by xaseey
http://www.puntlandpost.com/newspage.ph ... leid=10820



war dagaalkan aan dhamaan muxuu ahaay..yaase maamuli jiray dakedaan laysku haysto. teeda kale hadaysan kala adkaan karin may ku heshiiyaan..

and what about ciidamada hassan turki ayagana may kala qabtaan dadka is haysta, mise dhinac bay la jiraan..