Baabuur hub sida iyo rag la socday oo lagu qabtay Somaliland

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Baabuur hub sida iyo rag la socday oo lagu qabtay Somaliland

Post by Hiiraan boy »

Buuhoodle Jimca 21 September 2007, Waagacusub.com

Ciidamada nabadsugida Somaliland ee degaanka buuhoodle ayaa gacanta ku dhigay Afar gaari oo ay ku rarnaayeen hub iyo baabuur furfuran oo ay la socdeen 8 nin,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen ila wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay.

Maamulka Buuhood ee hoos taga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Waagacusub u xaqiijiyay inay hayaan afartaas gaari iyo raggii la socday hasse yeeshee wali la aqoon la yahay halka ay ka yimaadeen iyo jahada ay ku socdeen.

“Waxay noo sheegeen inay ku socdeen dhinaca Beledweyne ayna ka yimaadeen Burco laakiin taasi macquul maaha,waayoo Gawaarida ay wataan lagama helo Burco”ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Maamulka Buuhoodle oo dhinaca kale xusay inay qabaan shakiya kala duwan.

Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay afartaas gaari mudo daba taagnaayeen si ay wax badan uga ogaadaan halka ay ku socdeen laakiin ay ugu dambeyn qabteen xilli ay galeen Buuhoodle.

Inkastoo aan la ogayn halka ay ragaas iyo baabuurta ku socdeen,kana yimaadeen hadana waxaa la isla dhexmarayaa,inay ku socdeen Puntland oo ay u wadeen rasaas halka dhinaca kalena la rumaysan yahay in hubka la qabtay uu ka yimid dhinaca Jabuuti oo ay lahaayeen Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

mid ka mida 8 nin ee la qabtay oo ay noo suuragashay inaan khadka telefoonka kula hadalno ayaa Waagacusub u sheegay inay yihiin ganacsato ayna hubka ka iibsadeen Burco,kuna socdeen Beledweyne,inta aan la qaban ka hor.

Qabashada baabuurta hubka wado iyo raga la socda ,waxaa dhinaca kale xaqiijiyay maamulka Puntland oo iska fogeeyay inay u socdeen,waxayse dhacdadu ku beegan tahay xilli ay xiisado colaadeed ka dhex aloosan tahay Jamhuuriyada Somaliland iyo Maamulka Puntland oo si weyn isugu hub aruursaday,ciidankoodana u geliyay heegankii ugu adkaa,uguna sareeyay ee dhinaca xeeladaha dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee,24-ka saac ee soo socota ayaa lagu wadaa inay Somaliland shaaciso raga iyo hubka ay qabteen ciidankooda,waxa ay yihiin.
User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: Baabuur hub sida iyo rag la socday oo lagu qabtay Somaliland

Post by BABYGIRL123 »

ALAA BEEN BADNA WAGACUSUB AND THEIR SUPPORTERS ACUUDU BILAAH WHEN DID BUHOODLE BECOME SOMALILAND Confused Confused Confused

raxan Baabuur yaryar ah oo ku Socotay muqdisho oo Buuhoodle lagu qabtay
Thursday, 20 September 2007
Raxan baabuurta yaryar oo ah nooca Landrover ayaa lagu qabtay magaalada Buuhoodle iyagoo ka yimid dhinaca Hargeysa kuna sii jeeda muqdisho, waxaana baabuurtani ay siddaa qalab gaadiid oo furfuran, iyadoo ay boolisku dhigeen rug lagu ilaalinayo.

baabuurtan ayaa galabta soo galay Buuhoodle waxaana wata dhalinyaro reer koonfureed ah, kuwaas oo sheegay inay yihiin ganacsato caadi ah oo ka ganacsata baaburta iyo qalabkeeda.

Ciidamada ammaanka ee deegaanka ayaa arintan ka muujiyey walaac waxana ay sheegeen in gaadiidkan u egyahay mid loo diyaarinayo in lagu rakibo qoryaha Lidka diyaaradaha, iyagoo intaas ku daray inay suurogal tahay in baabuurtan ay soo iibsadeen kooxaha ka soo horjeeda DFS iyo weliba joogitaanka Ethopia ee gudaha somalia.

xeryaha Ciidamada ee Buuhoodle ayaa laga dareemay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn waxaana gudaha magaalada lagu arkayey qaar ka mid ah gawaadhida dagaalka oo gaafwareegaya wadooyinka qaarkood.

Xuseen Kurdi

Buuhoodlemedia.com
Last edited by BABYGIRL123 on Thu Sep 20, 2007 8:13 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Somaliweyn Commando
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2148
Joined: Sat Sep 01, 2007 9:03 pm
Location: La Ta7zanu Ya Ikhwati.

Re: Baabuur hub sida iyo rag la socday oo lagu qabtay Somaliland

Post by Somaliweyn Commando »

[quote]ka yimid dhinaca Hargeysa kuna sii jeeda muqdisho[/quote]

Subxanallah been badana wuxu Surprised
User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: Baabuur hub sida iyo rag la socday oo lagu qabtay Somaliland

Post by BABYGIRL123 »

BUHODLE POLICE WHICH IS PART OF PUNTLAND POLICE STOPPED THEM BECAUSE THEY SUSPECT THEY WILL BE USED AGAINST THE GOVERNMENT IN MOGDISHO.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”