Puntland oo dalbay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gala Buuhood

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Puntland oo dalbay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gala Buuhood

Post by Hiiraan boy »

Maamulka Cadde Muuse ayaa xidhiidh uu la sameeyey dawlada Itoobiya ayaa waxay ka codsadeen inay ciidamadoodu soo galaan gudaha magaalada Buuhoodle,ayna la wareegaan magaalada,iyagoo ciidamadii ugu horeeyey ay la wareegeen saldhiga magaalada Buuhoodle,oo lagu hayo dhalinyaro soomaaliyeed oo sida ay sheegeen ah ganacsato.

Dhalinyaradaas soomaaliyeed ayaa ilaa iyo hada la cadayn ujeedadooda,iyadoo hada gacanta loo geliyey ciidamada Itoobiya,oo loo dhaadhicin doono xabsiyada ku yaala gudaha talka Itoobiya.

Waa markii ugu horeysey oo deegaankaas dad soomaaliyeed gacanta loo geliyo cadowga soomaaliyeed,iyadoon wax cadayn ah aan lagu hayn dhalinyaradaas muslimiinta ah,oo aan haba yaraatee wax hub ah sidan.Dhalinyaraas ayaa waxay wataan gawaadhida yar yar,iyagoo ka soo safray dhinaca Hargeysa,una jeeday dhinaca gobolada koonfurta Soomaaliya.

Maamulka Cadde ayaa khadka taleefoonka kula xidhiidhay raga ka tirsan maamulkooda ee Buuhoodle ku sugan,iyagoo ku amray inay dalbeen ciidamo Itoobiyaan ah,marka ay soo gaadhaana ay ku wareejiyaan dhalinyarada la qabtay ee xabsiga lagu hayo.

Ciidamda Itoobiyaanka ayaa markii ay xabsiga soo galeen waxaa kala cararay askartii xabsiga ilaalada u ahayd,oo mid kastaa naftiisa la baxsaday.

Maamulka Cadde ayaa waxa uu dhor jeer ugu hanjabay dadka reer Laascaanood in hadii ay qaylada joojin waayaan uu keeni doono ciidamo Itoobiyaan ah.

Xaalada magaalada Buuhoodle ayaa kacsan,iyadoo aan ilaa hada ciidamadii Itoobiyaanka ahaa gacanta ku hayaan xabsiga magaalada,ayna ku hareeraysan yihiin xabsiga shacabka Buuhoodle oo diidan in dad soomaaliyeed ay kaxaystaan cadowga gaalada ahi.

Afnugaal News Desk.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Puntland oo dalbay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gala Buuhood

Post by The_Emperior5 »

wa fulllay dee kuwasii
User avatar
Somaliweyn Commando
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2148
Joined: Sat Sep 01, 2007 9:03 pm
Location: La Ta7zanu Ya Ikhwati.

Re: Puntland oo dalbay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gala Buuhood

Post by Somaliweyn Commando »

Allahu Akbar Jihaad baaba noo furmay, we seek death!
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Puntland oo dalbay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gala Buuhood

Post by Executive »

^ Ironically Hubki Buuhoodle was sent to Las Anod the other day,

Cadde Muse have been planning this for some time, I believe he is behind Ethiopia's recent threats on Dhulbahante.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”