Page 1 of 1

Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

Posted: Sun Sep 23, 2007 9:10 am
by Hiiraan boy
Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

Ilaa iyo 55 ka mid ahaa ciidamada Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa habeenimadii xaley soo gaarey gudaha magaalada Laascanood, kuwaasi oo ka soo baxsadey deegaanka Adhi-Cadeeye oo ay fadhiyaan ciidamo ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland oo ay halkaasi isku horfadhiyaan ciidamada Puntland.

Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood C/raxmaan Axmed Xaashi (C/raxmaan Tuur) oo u waramayey SBC International ayaa sheegay in ciidamadan ka soo baxdey maamulka Somaliland ay u dhasheen deegaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasi oo uu sheegay inay u dulqaadan waayeen dagaalka lagu soo qaadayo Gobolada ay u dhasheen.

C/raxmaan Tuur ayaa sheegay in ciidamadan in loo soo gudbin doono xerada ciidamada ee deegaanka Xorgoble halkaasi oo lagu wado in tababar loogu sameeyo, waxaana marka tababarkaasi uu soo dhamaado loo kala gudbin doonaa deegaanada Puntland oo ay ka qaban doonaan hawlaha loo xilsaaro ee ku aadan sugida amaanka iyo difaaca deegaanada Puntland.

Ciidamadan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey ee ka goosta maamulka Somaliland tan iyo markii ay dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ka soo cusboonaadeen deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Axmed Max'ed Jaamac (Axmed Suufi)

SBC International Laascaanoo

Re: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

Posted: Sun Sep 23, 2007 9:11 am
by Hiiraan boy
tol's stronger then lacag

Re: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

Posted: Sun Sep 23, 2007 9:13 am
by LUTENANT_XAMZA
SINCE WHEN DID U BELEIVE ANYTHING SBC LAASCAANOOD WRITES...

HIIRAAN BOY, ANUU WAXAAN LA YAABSANAHAY SIDAAD TIME IYO EFFORT U SIISID, WAXYAABAHA KA DHACA WAQOOYIGA..?

Re: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

Posted: Sun Sep 23, 2007 9:14 am
by Hiiraan boy
[quote="LUTENANT_XAMZA"]SINCE WHEN DID U BELEIVE ANYTHING SBC LAASCAANOOD WRITES...

HIIRAAN BOY, ANUU WAXAAN LA YAABSANAHAY SIDAAD TIME IYO EFFORT U SIISID, WAXYAABAHA KA DHACA WAQOOYIGA..?[/quote]


war yariisow

im NEWS REPORTER. I REPORT FROM NORTH SOMALIA TO SOUTH SOMALIA.

Re: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

Posted: Sun Sep 23, 2007 9:15 am
by LUTENANT_XAMZA
NEWS REPORTER SOO QORA REPORT ALREADY QORAN WALIGAY MAAN ARKIN..LOL

Re: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

Posted: Sun Sep 23, 2007 9:17 am
by Hiiraan boy
[quote="LUTENANT_XAMZA"]NEWS REPORTER SOO QORA REPORT ALREADY QORAN WALIGAY MAAN ARKIN..LOL[/quote]

war maxa iga rabta. are u EOMM??

Re: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

Posted: Sun Sep 23, 2007 9:19 am
by LUTENANT_XAMZA
EOMM KNOWS ME SXB. IM FROM THE UK FORUM... WAXNA KAAMA RABO. WAAN KULA YAABSANAHUUN ..ANYWAY .. BACDA ISKA FUR... IM JUS MESSIN WITH U