
Isgoyska Adan Cadde oo Ciidamadii la soo dejiyay ay qeybo ka mid ahi ka baxeen
Beerdhiga 23.09.2007 17:28
Abaarihii 04:00 galabnimo ee maanta ayay ciidamadii ka tirsanaa DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ay ka baxeen qeyb ka mid ah jidka labaad ee suuqa bakaaraha ka dib markii la soo dajiyay markii madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu weeraray hoobiyayaal dhowr iyo toban ah oo qaarkood u geystay khasaarooyin laxaad leh.
Ciidamadan ayaa ka baxay agagaarka dhismaha golobal oo ay qeyb ka degantahay Idaacada Shabeele iyo shirkada internet-ka ee global.
Ciidamadan ayaa hadda ku sugan Isgoyska Aadan Cada dhinaca Madaxtooyada aada halkaas oo ay si raxan raxan ah loogu arkayo iyaga oo wadada kolba dhinac u goynaya.
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaha ka agdhaw isgoyskaas iyo waliba ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee ka sii caraabaya suuqa ayaa waxa ay si far-xad iyo rayn rayni ku jirto u daawanayaan goobihii ay ka baxeen iyo bur burkii soo gaaray intii ay halkaasi degenaayeen oo bishan gudaheeda lagu soo qaaday labo weerar oo toos ah xili habeenimo ah iyo iska hor imaad dhuumaalaysi ah oo dhacay xili maalinimo ah.
Ciidamadan ayay dadka qaar ku sheegeen in uu yahay difaacii ugu dambeeyay ee ay ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ku ilaalinayaan madaxtooyada Villa Soomaaliya ka dib markii laga soo wada bixiyay jidka dheere ee warshadaha ee magaalada muqdisho oo ay ku hareen oo kaliya dhowr fariisin oo ay deganyihiin Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.