DAGAALO QARAAR OO MAALINTII LABAAD KA SOCONAYA DEEGAANKA XER

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

DAGAALO QARAAR OO MAALINTII LABAAD KA SOCONAYA DEEGAANKA XER

Post by Alta Vista [Bot2] »

Waxaa maalintii labaad dagaalo qaraar ku dhexmaraya tuulada Xeraale iyo degaano ku xeeran laba belood oo halkaasi wada dagto.

Wararka naga soo garaayo magaalada C/waaq ee gobalka Galguduud ayaa sheegayo in dagalkii bilowday saakay aroortii oo la isu adeegsado hubka culculus uu ka dhacay meesha lagu magacaabo Dhagafiin oo wax yar u jirto tuulada Xeraale iyadoo lagu soo waramayo inay weerarka soo qadeen beesha Dir.

Waxaa lasoo wariyay inay dagaalkasi ku dhinteen ilaa iyo sodona ruux halka inta ku dhaawacantay ay fara badan tahay.

Maraan kula xiriiray khadka isgaarsiinta ee loo yaqano fooneeyaha sarkaal ku sugan jiida dagaalka oo an doonayn in magaciisa la shaciyo oo u hadlay maleeshiyada SNF Galguduud wuxuu ii sheegay inay ka dileen ilaa iyo 20 ruux hub badan ay ka qabsadeen oo uu ka mid yahay qori weyn oo ku xirnaa gaari ay ka gubeen maleshiyadii soo weerartay.Wuxuu kaloo ii sheegay inay ka hayaan shan maxabiis ah. halak uu dhankooda ka qirta in ay dagaaladaas uga dhinteen sideed ka mid ah ciidamadooda.

Haddaba mar aan si gaar ah baaris ugu samaynay in aan ogaano jifooyinka ay kasoo jeedaan Sideedaas ruux ayaan waxaa noo suurta gashay in aan ogaano waxayna kala yihiin:

1-Seddax waa Beesha Reer Siyaad
2-Labo waa Beesha Reer Dalal
3-Hal waa rer Guleed Faarax
4-hal waa beesha Hawaraasame
5-Hal waa reer Kooshin oo dhaawan u dhintay

Waxaan ka cudurdaranaynaa inaysan inoo suurta galin inan helno magacyada oo dhamaystiran balse aan idiin balan qadayno inan dib idiinka soo gudbin doona.

Dhanka kale wararka ka imaanayo dhinaca beesha Dir aya sheegayo inay ka dhinteen ilaa iyo 15 ruux halka ay shegeen in laga qabsaday laba ruux.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaro magalada Ballanballe ayaa sheegayo inuu dagalkii bilowday saakay aroortii uu istagay maantay shan saac oo subaxnimo walina maleeshiyooyinka labada garab ay is horfadhiyaan.

Dagaalkaan oo la rumaysan yahay inuu keenay khasaaro naf iyo maalba leh oo saameeyay dhamaan labada dhinac ee walalaha ah ee dirirtu halkaasi ku dhexmarayso ayaan ilaa hada waxaan muuqan dadaal rasmi ah oo lago joojinayo colaada iyo dhimashada aan macnaha ku fadhin ee ay ku nafwaynayaan dad fara badan oo aan waxba galabsan

C/risaaq Cali Adam(jesteeye)
jeesteeye@gedonet.com
Nairobi,Kenya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”