Plane with dead ethiopian soldiers took off from Mog. airpo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Plane with dead ethiopian soldiers took off from Mog. airpo

Post by adanboy »

Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy Very Happy

Garoonka Muqdisho oo laga dhoofiyay Meydad & Dhaawacyo ay leeyihiin Ciidamada Gumeysiga

Beerdhiga 04.10.2007 13:43

Abaarihii 01:05 Duhurnimo ee maanta ayaa waxa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ka duulay Diyaarad yar oo uu ku buufsanyahay Calanka Itoobiya isla markaana ay sumadeedu tahay “AT-AIU” oo qaaday Dhaawacyo iyo Maydad ay leeyihiin Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in diyaaradan oo timaaday Abaarihii 12:40 Duhurnimo ee maanta ay qaaday dhaawacyo iyo meydad lagu keenay Gawaari Uuraalo ah oo uu soo galbiyay Taliyaha Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee “Gabre”.

Meydadkan iyo Dhaawacyadan oo aan si rasmi ah loo sheegi karin Xerooyinka laga keenay ayaa waxaa ay dadka qaar ku macneeyeen in ay ka dhasheen weeraradii u dambeeyay ee ay Xoogaga Muqaawamadu ku qaadeen Fariisimaha kala duwan ee Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay ka deganyihiin Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Meydadka Ciidamada Itoobiya ayaa iyagu ah inta badan kuwo lagula xisaabtamo saraakiishooda in ay soo gudbiyaan isla markaana aan lagu duugin eel ka baxsan dalkooda.

Khasaaraha soo gaara Ciidamada gumeysiga Itoobiya oo ah kuwa si aad ah loo qariyo ayaa hadda waxa muuqanaya in ay maalinba maalinta ka dambeysa ay soo shaac baxayaan.

Garoonka caalamiga ah ee Muqdisho(Aadan Cadde) ayaa isagu ahayn markii ugu horeysay oo laga dhoofiyo maydadka ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa ugandiiska ee sharciyaynaya gumeysiga waxaana ay tanina ku soo beegmaysaa iyada oo ay xoogaga muqaawamadu sii kordhiyeen Bishan Ramadaan weerarada ay ku hayaan ciidamada gumeysiga itoobiya iyo kuwa la shaqeya ee DFKMG ah.

http://www.Beerdhiga.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”