more Dhulbahante Soldier leave TFG
Posted: Tue Oct 09, 2007 1:10 pm
Because of.. dhaqaalo xumo iyo cadaalada daro iyo musuq maasuq. Normally they sell their weapons in the market and leave but this time they left armed.
...........
Qaar Ka Tirsan Ciidamada Dowlada KMG ah Oo Kasoo Jeeda Gobolada SSC Oo Ka Baxsaday Muqdisho.
Warkii 08-Oct-2007 iyo Qormadii: Afnugaal Desk News
Xayn ciidamo ah oo kasoo jeeda gobolada sool sanaag iyo cayn ayaa ka baxsaday taliskoodii laga xukumey islamrkaana ku yaala magaalada caasimada ah ee muqdisho sida uu saxaafada u sheegay sarkaalkii watey ciidamadan oo lagu magacaabo axmed ibraahin .
Ujeedada ka dambaysay inay fakadaan ciidamadani ayaa sarkaalkani waxuu tibaaxay inay tahay dhaqaalo xumo iyo weliba cadaalada daro iyo musuq maasuq mararka qarkoodna loo kala sooco hayb ahaan waa siduu hadalka u dhigaye .
Baxsadkaan ciidamadan ka koobnaa 60-ka askari ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inay dhulka mareen islamrkaan ay kusii jeedaan deegnadaii hore looga keenay ,inkastoo wararka qaarkood sheegayaan inay xaga bada mareen islamrkaana ay qaateen doonyaha dheereeya oo ay lahaayeen ciidamada bada dowlada KMg ahi dhowaan aasaastay.
Axmed ibraahin ayaa saxaafada u sheegay inay jiraan ciidamo hore oo ka tirsanaa isla deegaankaasi inay hubkoodii ka iibsadeen suuqyada magaalada muqdisho islamrkaana u boqooleen deegaankii ay kasoo jeedeen axmed oo intaasi sii raaciyey inaysan ciidamadani helin xuquuqdii ciidan ee ay ku lahaayeen dowlada KMG ah ,inkastoo ay jiraan dhaqaalo fara badan oo soo gala dowlada balse ma jiraan wax loogu tala galay ciidamada iyadoo ay dowladu u isticmaasho inay baarlamaanka ku kala iibsato dhaqaalahaasi si ay usii jirto jiritaankeeda waa siduu hadalka u dhigaye.
Iskusoo wada duuboo baxsadka ciidamadaan ayaa waxuu dhabar jab weyn ku yahay hogaanka sare ee ciidanka dowlada KMG ah iyo qaybaha kale ee amniga xili ay dowladu xusul duub ugu jirto inay hanato amaanka caasimada muqdisho iyadoo asbuucan gudihiisa ka dhawaajisay howl-galo ay ku xaqiijinayso amniga iyo kala dambaynta .
Afnugaal Desk News
Info@afnugaal.com