IED time in Mogadshu and Afgooye

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

IED time in Mogadshu and Afgooye

Post by adanboy »

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: walle dabdhilif waa halaagmay

Qarax Xoogan oo saaka ka dhacay agagaarka Isgoyska Ifka Xalan,iyo baaritaano halkaasi ka socda.
Posted to the Web Oct 11, 08:29

Qarax xoogan ayaa saaka laga maqlay Isgoyska Ifka Xalan ee magaalada Muqdisho,kaasi oo la sheegay in lagu beegsaday Ciidamo ka tirsan dawladda Federaalka oo goobtasi marayay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in qaraxasi uu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay isla markaana ku qaraxday kolonyo ay lahaayeen Ciidamada dawladda mar ay soo marayeen deegaankaasi.

Ilaa iyo iminka lama sheegin karaayo khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi kasoo gaaray Ciidamada dawladda hayeeshee waxaa iminka goobtaasi ku sugan Ciidamo aad u fara badan oo baaraya wixii meesha ka dhacay.

Ciidamada dawlada ayaa la sheegayaa in gaarigii ay saarnaayeen ay suuragal tahay khasaare in ay kasoo gaartay miinadasi walow ay adag tahay meeshaasi in lagu dhawaado maadaama ay iminka soo buuxiyeen.

Afahyeenka Ciidamada Booliska Gaashaanle C/Waaxid Xuseen Max'ed ayaan wax hadal ah ka bixin qaraxasi iyadoona sidoo kale aysan jirin masuul ka tirsan dawlada oo soo hadal qaaday.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Re: IED time in Mogadshu and Afgooye

Post by adanboy »

olonyo ay la Socdeen Mas’uuliyiin Ka Tirsan DKMG-ka Oo Lagu Qarxiyey Afgooye.
Posted to the Web Oct 11, 09:12

AFGOOYE (Soomaalinews) - Ugu yaraan Laba Askari oo Boolis ah ayaa ku dhaawacmay Qarax xooggan oo goor dhow lala beegsaday Kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Dowladda KMG.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Bam-gacmeed ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Dhagax-tuur ee Degmada Afgooye, sida ay dadka deegaanku xaqiijinayaan.

Kolonyada la qarxiyey ayaa waxaa la socday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG oo uu ku jiray Xogheynta Wasaaradda Arimaha Gudaha, kuwaasi oo la sheegay in ay kusii jeedeen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”