Page 1 of 1

BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Thu Oct 11, 2007 8:47 pm
by Hiiraan boy
Iska Horimaad Caawa isaga hortimaadeen Maleeshiyo Hubeysan iyo Ciinka Booliska Magaalada Burco Oo Sababay Dhimasho Laba qof iyo Dhaawacba.

()

hadhwanaag 2007-10-11 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN): laba qof ayaa dhintay lix kale-na way dhaawacmeen,kadib markii ay Ciidanka Booliska Magaalada Burco ay Xabsiga u taxaabeen labada oday oo Ganacsato ah abaaro 8:30 Caawa,isla markaana ay isku hayb- yihiin Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaranka Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ee ku xidhan Xabsiga Mandheera. Muddo sadex bilood ku dhow.

Xadhiga labadan nin ee ganacsatada ayaan la garan waxa keenay,balse wararku waxay sheegayaan inay labadan nin ay ka mid ahaayeen qaar u ololeeya Urur Siyaasadeedka Qaran,isla markana amarka Xadhigoodu Xummada Sare.soo bixisay.

Intaska oo ay wararka la isla dhex marayo ay sheegayaan inay Xadhiga labadan uu lug ku leeyahay Wasiirka Maaliyada Somaliland Xuseen Cali Ducaale,oo uu isagu ka danbeeyey.

Maleeshiyo Hubeysan oo ka gadooday Xadhiga labadan Ganacsato ee la xidhay ayaa Weerar ku soo qaaday Saldhiga dhexe Magaalada Burco abaaro 8:30 caawa, halkaas oo dagaal socday Caawa 10:00 ilaa 11:00 habeenimadii ay isaga horyimaadeen Ciidanka Booliska Saldhiga iyo Maleeshiyada wax soo weerartay. waxaana halkaas ku dhintay laba qof, oo mid ka midi ahaa Maleeshiyadii wax soo weerartay, halka ka kale-na ka tirsanaa Ciidanka Booliska, isla markaana waxaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen lix qof.oo laba ka mid ahi ay ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska, halka afarta kalena ay ahaayeen Shicib.

Dhaq-dhaqaaqa Magaalada Burco ayaa aad u kacsan Caawa oo dadku dareemayeen, Waxaanay tibaaxayaan wararka naga soo gaadhaya Magaalada Burco inuu dagaalkii istaagay balse ay maleeshiyadii hubeysnayd ee weerarka soo qaaday ay weli ku dul xeersan yihiin Saldhiga.

Dhinaca kale, sida uu Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo aanu Caawa niskii danbe khadka Mobilka gacanta kula xidhiidhnay si aanu arrintaa wax uga weydiino, waxa uu noo xaqiijiyey inuu dagaalkaasi dhacay, isla markaana ay laba nin ku dhinteen oo mid ka tirsanaa Ciidanka Booliska, halka kalena ka ahaa Shicib, waxaanu Gudoomiyuhu magacyada labada nin ku sheegay inay kala ahaayeen Muxyadiin Gaboose iyo Cali Baabuur.

Cabdi Xuseen Dheere isaga oo hadalkiisa sii watana waxa hoosta ka xariiqay inuu amaanka Magaaladu ay Caawa xasiloon tahay, isla markaana ay saldhigii gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska, oo ay dib isaga laabteen Maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Xadhiga labadan ganacsato ee Caawa lagu xidhay Saldhiga Magaalada Burco ee sababay dagaalka iska horimaadka ayaa dabo socday rag xalay lagu xidh xidhay Magaalada Hargeysa ma jirto war rasmiya oo ka soo baxay Xukuummada oo la xidhiidha Xadhiga ragan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyada oo maalinta beri oo ah Jimce ay tahay Ciidii Islaamka Ciidal Fidri oo Guud ahaabna laga Iididoono Gobolada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland ka kooban tahay iyo Weliba Caalamka Islaamka.

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa.
E-mail, janaale94@yahoo.com.

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Thu Oct 11, 2007 9:19 pm
by Somalistan
NOT TRUE..

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Thu Oct 11, 2007 10:21 pm
by Fale
Laughing Laughing

Warkaan hala soo xaqiijiyo..

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Fri Oct 12, 2007 6:00 am
by kkk47
Hiiran-dhilo


qabaailka saa u kala baratay,, edebtana u baro. oo dhiidhiibso.

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Fri Oct 12, 2007 7:41 am
by The_Emperior5
Imika burco la hadlay magaaladu way dagantahay

hase yeeshe beeshe galbeedka magaalada burco aya aad uu kacsan
waxa laga yaaba ila wada hadallo iyo salaadiin ciidu markay dhamaadto loo diiro siday cuqaasha ula shirto

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Fri Oct 12, 2007 7:43 am
by kaliil
warkani waa run waana maansha-allah.Waa kacdoon lagu ridayo Riyaale iyo dhawrka Habar Yoonista dabadhilifka ah ay soo adeegsadaan.Gaboose markii la rabay inaa la xidho ciidan dhan oo isku reer yihiin ayaa dagaal usoo diyaargaroobay oo yidhi waanu arki cidii ku dhacda inaa laguu yimaado, laakiin isagaa yidhi dagaal iyo rabsho ma rabo oo ciidankii ilaalinayay ka baxsaday oo saldhiga booliska Hargeysa toos u tegey

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Fri Oct 12, 2007 11:37 am
by Ina Baxar
Dhulbahantaha ay 24/7 caayan bay la mid yihin nimankani Laughing

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Fri Oct 12, 2007 11:48 am
by QansaGabeyle
The homo X playa got to you man. Laughing

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Fri Oct 12, 2007 11:53 am
by Ina Baxar
Negative , it's a fact!!
If anybody asks me why I'll show him or her the similarity on wich I base that conclusion .{ gotta be a HY though Laughing }

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Fri Oct 12, 2007 12:45 pm
by BABYGIRL123
xaar player meeh ma walalka ba la dilay adeeradis na xabsigaa la dhigaay Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

masakiin xabsi un baa reerka lagu wada somaliland ma xiishoto miya Laughing Laughing

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Fri Oct 12, 2007 12:46 pm
by Hiiraan boy
somalistan abti this really happend

hadhawanaag posted it

meshaan kale ka akhri

http://somaliland.org/ns.asp?ID=07101109

i think they were muuse carre the jilib of dr gaboose.

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Sat Oct 13, 2007 4:08 am
by LiQaaye_TDH
Laughing Laughing Laughing Laughing

It is True, it did happen.. Wasiirka Maaliyada Cawil ordered all the arrests that happened, even the Muse Carre spokes man got arrested in Hargeisa...

Re: BREAKING NEWS HABARYOONIS militia attack BURCO ASKAR

Posted: Sat Oct 13, 2007 11:15 am
by Luq_Ganane
Laughing Laughing Laughing