gorrila cadde muuse: Laascaano waxaa naga qabsaday Ciidamo S

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
snm_soulja_18
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 923
Joined: Thu Oct 21, 2004 11:50 am
Location: We Gone Muqadisho Dont Need You Dont Miss You

gorrila cadde muuse: Laascaano waxaa naga qabsaday Ciidamo S

Post by snm_soulja_18 »

Jen.Cadde Muuse “Dagaalkii lagu qabsaday Laascaanood waxaa ka qeyb galay dagaalyahano shisheeye ah, waxaana heynaa cadeymo badan oo ay ka mid tahay Laughing Laughing

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Jen. Max’uud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) oo gelinkii dambe ee shalay si deg deg ah ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ka dib markii ciidamo taabacsan Somaliland ay gacanta ku dhigeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo horey ay u joogeen ciidamada taabacsan maamulkiisa ayaa markii ugu horeysay maanta kaga hadlay dagaalkaasi shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo ka mid ah magaalooyinka hoos taga maamulka Puntland.

Jen Cadde Muuse ayaa sheegay in dagaalkii shalay ciidamo taabacsan Somalailand ay kula wareegeen gacan ku heynta magaalada laascaanood ee gobolka Sool ay ka qeyb galeen dagaalyahano shisheeye ah oo isla markaana ay cadeymo buuxa u hayaan arintaasi “Waxaana soo baxay wixii aynu marar badan sheegi jirnay, waxaana heynaa cadeymo buuxa oo la xiriira in ciidamadii Somaliland ee shalay qabsaday magaalada Laascaanod ay ka barbar dagalamayeen dagaalyahano shiheeye ah, waxaana ka mid ah cadeymahaas dokumeyntiyada qaar ka mid ah dagaalyahanadaas oo lagu dilay dagaalka oo laga soo helay jeebabkooda, kaasoo cadeynaya dalalka ay u kala dhasheen” ayuu yiri Jen Cadde Muuse.

“Laascaanood waxay ka mid tahay dhulka ay ka taliso Puntland, Somaliland waxay ku qabsatay si gardaro ah oo aan geedna loogu soo gaban, caaalamkuna waa arkaa waxa ay ku kaceyso, waxaan cadeynayaa in Somaliland aysan qabsan karin dhulkeena oo aanu ku qasbanahay inaan iska difaacno” ayuu intaa ku day Jen. Cadde Muuse oo si aad ah u careysan, wuxuuna intaa ku daray Puntland ay u diyaar garoobeyso dagaal muddo dheer qaata oo ay la geleyso ciidamada maamulka Somaliland ee soo duulay sida u hadalka u dhigay.

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Soomaliya
dayniilecom@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”