Page 1 of 1

SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 1:58 pm
by The_Emperior5

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 1:58 pm
by The_Emperior5
Shir looga hadlayay amaanka Gobolka oo maanta ka dhacay Guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood.
Warkii 17-Oct-2007 iyo Qormadii: Axmed C/laahi Binow
Waxaa maanta ka dhacay guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen maamulka Somaliland masuuliyiintooda hadda ku sugan gudaha magaalada Laascaanood iyo shacabka magaalada oo ay la kulmeen.


Shirkan ayaa waxaa looga wada hadlayay xaalada Gobolka iyo sidii xalaadeeda nabad galyo si rasmi ah dib loogu soo celin lahaa iyada oo aysan dhicin wax rabshado ah oo ka dhaca magalaada kuwaas oo ay sameeyaan dadwaynuhu ciidamaduna aysan waxba ugaysan.



Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud (Cali Sandule) oo shirkaasi gudoominayay ayaa waxa uu halkaasi ku furay shirkii shirkaas oo ay kasoo qayb galeen Odayaal kala matalayay Beelaha Gobolka ayna u hadleen beesha iyo sida Gobolka nabad looga dhalin lahaa.

Waxaa goobtaasi ka hadlaya Gudoomiyahay Gobolka Cali Sandule,Axmed Cabdi Xaabsade,Ibraahin Caydiid Dhadhable Abaanduulaha ciidamada Somaliland Xuseen Taarwale taliyaha qaybta Police-ka Gobolka iyo qaar kale oo ka mid ah masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka hadda ku sugan iyo waliba Odayaal dhaqameed u hadlayay shacabka.



Qodobada ugu muhiimsan ee laga hadlayay:-


Nabada Galyada Gobolka siday ku soo noqon lahayd.
Gudi Saddex iyo Sodon ah oo Gobolku yeelanayo si ay uwadaan hawlaha Gobolka.
Sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka Gobolka.
In ay shacabka Gobolka ay isugu yimaadeen wada tashiyo ay kaga wada hadlayaan nabada Gobolka.
Wacyi galin lagu sameeyo dhinaca nabada.


Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan masuuliyiinta maamulka Somaliland ee la wareegay gacan ku haynta magalaada Laascaanood iyo shacabka magaalada oo qaar kamid ahi ay ka hor yimaadeen maamulka Somaliland in ay ka taliyaan Gobolka.



Hadaba shirkii maanta ayaa ahaa mid u muuqday in ay si wayn isugu afgarteen masuuliyiinta Somaliland iyo shacabkii halkaasi isugu yimi ee samaynayay wada tashiyada iyadoo lagu heshiiyay dhamaanba qodobada kor ku xusan maamulka Somaliland hadda u muuqdo mid doonaya inuu kasbado shacabka.



Isku soo wada duuboo maamulka Somaliland ayaa waxa ay muddo saddex casho ah u qabteen odayaal dhaqameedkii inay soo af jaraan mudaharaadayaasha ka socda gudaha magalaada oo ay la sameeyaan wada tashiyo dheeri ah haddi kale wixii saddex daa ka danbeeya ay soo galin doonaan ciidan ka Somaliland si uu wax uga qabto.

Axmed C/laahi Binow

Binow1@hotmail.com

info@afnugaal.com

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 2:04 pm
by LUTENANT_XAMZA
I like how the S/L flag is hanging in the House of Elders in Laascaanood

Cool walaahi idoorkii wuu socday

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 2:15 pm
by SLEW_DEM
^ Thats not the House of the Dhulbahante elders, Its Guriga Gobalka...It belongs to Mamulka Sool

Wax kasto been ba ka sheegtin Laughing

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 2:17 pm
by LUTENANT_XAMZA
SLEW DEM, adiga gacan baan kuu taagay , even after defeat wali waad soo taagan tahay ..lol.... bruv, a picture doesnt lie.... see it 4 ur self...

http://afnugaal.com/xubnaha/iur/pics/nabadki.jpg

http://afnugaal.com/ktmllite/images/upl ... 9135575539

http://afnugaal.com/ktmllite/images/upl ... 9203249929

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 2:21 pm
by SLEW_DEM
^

LaasCanood belong to me and not you, Im still in my house, Wax leyga qadaay ma jirto?

You are a retard, Everyone knows the house of the clan elders, That is not it, That is the house of the Mamul, It even says in the text "Guriga Gobalka"

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 4:41 pm
by XidigtaJSL
I like the Somaliland flying high in Lasscaanood, finally Cool

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 4:42 pm
by S_lander-boy
[quote="XidigtaJSL"]I like the Somaliland flying high in Lasscaanood, finally Cool[/quote]


I second that SOMALILAND HA NOOLATO !


Somaliland

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 4:46 pm
by LiQaaye_TDH
Somaliland ha Noolato... walle Iidoorki Tage dhacme, arlada ma joogan Cool

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 4:47 pm
by XidigtaJSL
RAG SAMAAN KA SAMAANBAAN SAMAHAWGU WADNAA,HADDUU SAKIMI WAYO SUBAX BAANU GALAALYO SAKAARKAAN JEBINAAYOO....



Dhafoor-qiiqleyaashii Puntland ee uu Bidde Muuse, ku
soo weeraray Dalkan Somaliland, Muddada dhawrka
sannadood ahna aanu abhin, wax-u-sheeg, hogatusaaleyn,
xusuusin deris wanaagga iyo samotalisnimada diinteenna
Suubban kula daalneyn, weliba ugu darney, Dalalka
inala deriska ahi, bal in ay u caqli celiyaan ka
codsannay , ee damacii sooyaalka ay hiddaha qallooca u

lahaayeen ka indhotirey, dhirbaaxadii hore ee lagaga
qabtey 17 Maxbuus , kuna jireen saraakiishii waddey
dagaalkaa hore oo ay ka mid ahaayeen qaar xasuuqii
Dawladdii Afweyne gacmaha kula jirey, waxay ahayd wax
tusid bal in ay in uun caqli ku dayaan, in ay libaax
hurdey isku toosinayaan oo shaarubaha jidjiidayaan!!!

Sagaal bilood ka hor, Maqaal hoga tusaaleyn ah oo aan
damaca waxa ay isirka ku sheegayaan oo aanay kob
caleenle maalin kaga soo toosin ugu sheegay
sooyaalkoodii guuldarro, iyo sanqadh-xumida mid waliba
ku dhammaadey. Waxaan u sii meel xaadhey, waxa aan
hubo in ay afkooda ka soo bixi doonto kuwanna marka ay
Raambooyada Somaliland dhirbaaxo libaax indhaha bayl
kaga duuliya ay ku hamsiiyaan!!

Odeygoodii Ina Cabdille Xassan, wax uu been cartamaba,
markii uu Libaaxa Somaaliland ku toosay, "Caamir waa
Salleellee , anaa haatan caymadiye ayuu ku tegey,
isaga oo baqo-cararaya!!" Afweyne, Kibir , jaahilnimo,
iyo axmaqnimo intuu culimadii Dalka xukun Ilaahay uu
Suuradda ANNISAA' ku caddeeyey ku laayey, markii ay
diideen in ay xuquuqda ragga iyo Dumarka simaan, oo
shaydaankii liinin uu kaga dayday, ayaa markii Libaaxa
Somaliland ka caydhshay isaga iyo humbannidiisii
Dalka, ee Walaalaha koonfureedna, dad-xumadiisii
arkeen, iyana ku bilaabay halganka hubeysan uu yidhi
argagaxii"Ilaah baan idin ku dhaariyee, xabbedda
joojiya !!

Bidde Muusaha Puntland haddaba, isaga maxaa ka soo
yeedhay?!! Libaaxyadii la kacay Ciidankii Afrika ugu
xoogga weynaa, ee ilaa janannadii Bariga yurub Ruushka
uga dagaal geliyay marka uu Naato la dagaallamayo loo
keenay la joojin kariwaayey dagaalkii 77kii, welibana
ay u dheeraayeen calooshooda u shaqeystayaashii
koonfur Afrika iyo Kuuba, Markii ay ku tooseen
dhafoor- qiiqleyaashii weerarka ahaa, ee basarka ay u
rudheen, badhna ay qabqabteen, badh miciyaa geliyeen,
badh boholo ay ku dhaceen oo bowdyaha ay ka jabeen,
badh baxsad ay naf-bideen oo baaruuddu ay basrisay ee
baab' ay ka dhigeen, biddihii Cadde Muuse wasiirkiisii
arrimaha Anigu waxa uu naxdintii iyo fajacii
dhirbaaxada ku yidhi" Eriteriya, Maxaakiimtii iyo
Somaliland ayaa isugu kaaya tegey oo na weeraray!!!"

Dagaalkii halgankii hadal jilicsayaashu markii ay soo
hirgelinayeen isirnimadan, gabaygii maruuryoodey ee ay
ku baroorteen waxa ugu dambeysay,"Wuxuu Dawliskii
igaga go'ay, kob aanan dooneyne, yaa Darood Ismaaciil
aheey, durugtey Ceebtiiye !!!" Bidde Muuse haddii uu
sida bani aadamka caqli ku socdo, Baydkan kuwii ka
horreeyey oohin tiriyeen ayaa waxsheegmo ugu fillaan
lahaa, in uu libaax ka hurda isku toosinayo, ee
jiilaal nin naaxay, wax sheegmo iyo tusaaleyn midna ma
geyo!!

Waxa ammaan , bogaadin iyo mahadba muteystey,
halyeeyada soomajeestayaasha ah ee Ciidammada qaranka
Somaliland, oo ab iyo isirba u lahaa, hadday gacanta
qaadaan in guusha dhaliyaan. Si aan sanqadh dambe uga
suuragelin cid kasta oo naftoodu u been sheegto inay
hal centimeter oo dhulka Soomaliland dhuqdhubuq u soo
galaan , sida dhafoor-qiiqleyaashan, lafta iyo diirku
macaluusha isugu dhegeen een maxaabiistooda mid tin
madoobi ku jirin haddana !! la soo taabto garoowe iyo
gofonayaasha Af-ka-dirirka ah. Waxaanu leenahay
kuwaas,
Waddadaannu soo haynnaa, wadkii aad dalbateen iyo
wacdaraanu wadnaaye, waa halkaad u baxdaan!!

Dr. Cali Cabdi Muxumed,

Hargeysa.

Re: SOMALILAND TALKS WITH ODAYAASHA SOOL DHULOS

Posted: Wed Oct 17, 2007 5:15 pm
by Phd in naago kudis
somaliland ha nolaato Cool

dead to puntiland Smile