Page 1 of 1

Nin shalay nin ku dilay magaalada Kismaayo oo maanta la qisa

Posted: Thu Oct 18, 2007 6:29 am
by Alta Vista [Bot2]
Kismaayo 18, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Nin ku eedeysan gacan ku dhiiglenimo oo shalay dil u geystay askari ka mid ah ciidamada dowladda ayaa maanta meel fagaaro ah lagu qisaasay gudaha magaalada Kismaayo.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha shabelle ee magaalada Kismaayo, Dilka qisaasta ah ee lagu fuliyay ninkaan ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib kulan ay isugu yimaadeen odayaasha Beesha Sade oo go’aamiyay in la qisaaso ninkaasi, iyadoo la raacayo heshiis horey loogu gaaray in la dilo ninkii nin dilaa.

Goobta lagu qisaasay Marxuumkaan oo la oran Jirey Gaarne Nuur Maxamed ayaa waxaa isugu yimid boqolaal dad ah.

Marxuumka la qisaasay ayaa shalay waxa uu ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo askari ka mid ah ciidamada amaanka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dil qisaas ah uu ka dhaco magaalada Kismaayo, iyadoo tan iyo markii ay ku heshiiyeen odayaasha magaalada Kismaayo in la dilo ninkii nin dilaa ay dhaceen dilal badan oo qisaas ah.