New Main Hospital for the city of Burco.........
Posted: Thu Oct 18, 2007 2:28 pm
Mansha allah, The New Main Hospital for the city of Burco is being buit now, in the Southern Part Of the City, There is already one Big Main Hospital in Burco, but the population and the city is growing..... Dahabshiil bank offered free Land for the new hospital, Allah Kaheyr ha siiyo...
http://togdheernews.com/index.php?name= ... e&sid=1189
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen dheere ayaa maanta dhagax dhigay Cusbataal cusub oo dhismihiisa laga hirgelin doono magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Cusbataalkan cusub oo maanta dhagax dhigiisa laga bilaabay bogcad ku taala Koonfurta magaalada Burco isla markaana ay hirgelintiisa ay iska kaashayanaan hay’ad sama fal ah oo loo yaqaan Al-manhal iyo ashkhaas tujaara u dhalatay wadanka Kuwayd waxaa maanta dhagax dhigiisa goob joog ka ahaa madaxda maamulka Gobolka Togdheer, ganacsato, hawl wadeeno ka socda hay’ada manhal iyo weliba culimo awdiin.
Gudoomiyaha Gobolkan oo saaka dhagax dhigan ka hadlaayey ayaa ku tilmaamay mashruucan mid dabooli doona baahi culus oo haysatay bulshada Gobolka Togdheer waxaanu kale oo ka dalbaday hay’adaha sama falka iyo ashkhaasta maal gelinaysa mashaariicdan oo kale in ay ku shaqeeyaan siyaasad ixtiraamaysa maamulka dawliga ah “hirgelinta mashruucu wuxuu u baahan yahay in laysla ogaado oo laga wada socdo dawladuna wax qabadka ay sheeganaysaa midka shacabku sameeyo weeye”.
Dr Maxamuud Axmed Maxamed Shiine oo ah madaxa hay’ada Al-manhal ee Somaliland ayaa waxa uu isaguna dhagax dhigan ka sheegay in dhismaha cusbataalkan oo socon doona muddo 4 bilood ah uu ku kici doono lacag dhan $154000 waxaanu ka dhashay horumarka uu sameeyey cusbataaal noociisa ah oo laga hirgeliyey caasimada Hargaysa.
Isagoo Dr. Shiine faahfaahin ka bixinaya tayada cusbataalkana wuxuu yidhi “ cusbataalkani waxa uu qaadidoonaa 80 sariirood waxaanu ka kooban yahay 4 qaybood oo kala ah qaybta Dumarka, Caruurta, qaliinka iyo daawaynta guud waxaanu ku shaqayn doonaa siyaasada wasaarada caafimaadka”.
Sidoo kalena wakiilka deeq bixiyayaasha Kuwayt Saleebaan Maxamed Nuur ayaa isaguna xusay in cusbitaalkani oo ay bixinayaan lacagta ku baxaysa ganacsato iyo tujaar reer Kuwayd ah uu noqon doono mid ka dhexeeya bulshada reer Togdheer mana ah hanti qof leeyahay waxaana maamuli doona gudi deegaanka ah isagoo ugu baaqay dawlada in loo fududeeyo wixii farsamo ahaan kaga xidhan.
Cusbitaalkan oo noqon doona mid la maaneeya cusbitaalka dhexe ee Burco waxa laga aasaasay xarun caafimaad oo ay hore u lahayd hay’ada Almanhal kaasi oo qayb ka qaadan doona baahiyaha caafimaad ee Gobolka.
Wakiilka shikada Dahab shiil ee Gobolka Togdheer Nuux Siciid Ducaale ayaa isaguna munaasibadaasi kaga dhawaaqay in shirkada Dahab shiil ugu tabarucday cusbitaalkan dhulka laga dhisayo kaasi oo ay kaga qayb qaadanayso hirgelinta mashruucan cusbitaalka, iyaadoo masuuliyiinta kale ee dhagax dhigan joogtay ay ka mid ahaayeen Duqa Burco Maxamuud Axmed Xasan dhega laab iyo sheikh Maxamed Cumar Dirir oo isaguna ugu baaqay shacbiga Burco in lagu