CUQAASHA G/AWDAL OO MUSHAHARKOODII SADEX BILOODKA
UGU DEEQAY CIIDANKA QARANKA EE JIIDA HORE
(Updated:-(Sun.21.Oct.2007)
Boorama(Bnn)Cuqaasha G/awdal ayaa kulan ay shalay ku yeesheen xarunta maamulka gobolka kaga dhawaaqay inay ciidamada qaranka ee jiida hore ugu deeqeen sadex bilood oo mushaharkii ay qaadan lahaayeen si ay qayb uga noqoto taakulada iyo xoojinta saadka ciidamada qaranka ee ku hawlan difaaca dalka iyo hadii loo baahdo ciidamo lagu xoojiyo hawlgalka difaaca dalka.
Kulankan ay yeesheen cuqaashu waxa soo qaban qaabiyay maamulka G/awdal, waxaana madashaa goob joog ahaa badhasaabka gobolka Maxamuud Sh C/laahi iyo maayorka degmada Boorama C/raxmaan Shide iyo 70 caaqil oo ka mid ah 126 ka caaqil ee ka diiwaangashan wasaarada daakhiliga.
Badhasaabka oo kulanka u furay ayaa ku wargaliyay in dalku uu ku jiro difaac qaran oo lagu sugayo xuduudihii caalamiga ahaa ee soomaaliland gaar ahaan aaga bari oo ay haatanba ciidamadu gacanta ku dhigeen magaalada Laascaanood ee xarunta G/sool.
Waxaanu xusuusiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshadu ka qayb qaadato gaashaana loo noqdo ciidamada qaranka ha ahaato ciidamo la diyaar gareeyo si hadii loo baahdo ay uga qayb galaan difaaca qaranka iyo taakulada kale ee ciidamada haatanba ku sugan.
Waxa kale oo badhasaabku sheegay in dadka reer Laascaanood ay awalba ahaayeen reer soomaaliland haatana loo baahan yahay in la soo dhaweeyo oo la is barbar taago maadaama aanay la,aan tood suuro gasheen in ciidamadu Laascaanood qabsadaan.
Maayorka Boorama Mr Shide oo isna halkaa ka hadlay ayaa tibaaxay inay ku gudo jiraan abaabul lagu muujinayo taageerada ciidamada qaranka oo cuqaasha ka sakow ay iyagana ku hawlan yihiin xidhiidho bulshada inteedii kale ah ha ahaato haweenka, ururada bulshada,ganacsatada iyo qaybaha kale ee Bulshadaba kuwaas oo iyana ka qayb qaadan doona taageerada iyo taakulada ay u baahan yihiin ciidamada qaranka ee jiida hore.
Chief Caaqil Ismaaciil Axmed Geelle oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo jeediyay in cuqaashu mushaharkooda sadex biloodka ku taageeraan ciidamada qaranka lana diyaariyo ciidamo xoojin ah oo kayd ah si markii loo baahadaba ay u hawlgali karaan. Rayigaas oo ay dhamaan cuqaashii madasha ku sugnayd isku raaceen iyaga oo u balamay kulan kale oo ka dhici doona xaruntooda si ay uga hawlgalaan diyaarinta diyaarinta ciidan beeleed deegaanka ah oo hadii loo baahdo ka qayb qaata difaaca xuduudaha qaranka JSL
Cabdiraxmaan Maxamad Habane
Borama News Network
Borama
Awdal Elders Donate Three Month's Salaries to JSL Troops
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
Re: Awdal Elders Donate Three Month's Salaries to JSL Troops
October 20, 2007
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Madaxda Gobolka Awdal oo Ugu Baaqay Reer S/land Inay Garab Galaan Shacabka Reer Sool Halganka ay ku Jiraan.
Boorama, (Harowo) - Mid ka mid ah Salaadinta G/Awdal oo aragtidiisa ka bixiyey dagaalka haatan ka dhex taagan ciidmada maamulka Majeerteeniya iyo maleesiyobeeleedka degaanka sool oo ay taageerayaan ciidamada qaranka Soomaaliland.
Suldaanku wuxu sheegay inaanu dagaal ay ciidamada Soomaaliland ku qabsadeen beelo kale oo reer Sooimaaliland ah balse uu yahay dagaal ay maleesiyobeeleedka reer Laascaanod iskaga saarayeen ciidanka maamulkgoboleedka majeerteeniya. Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ,kana mid ah salaadiinta aadka looga yaqaan Soomaaliland ayaa waraysi uu siiuyey Harowo.com kaga hadlay arrimo door ah oo loo baahanyahay inay dawladda iyo shicibka Soomaaliland ka qayb qaataan wakhtigan.
Suldaanka oo arrintaa ka warramayeyna waxa uu yidhi "Waxan hambalyo u dirayaa shacbiuga reer Sool ee gartay inay aayahooda ka tashadaan kuna soo laabtaan waddanka ay u dhasheen ee ay ka tirsanyihiin ee Soomaailand .Waa arrin ay shac biga dhulkaasi ku garteenn inay xoog iskaga eryaan ciidankamaamul goboleedka majeerteenbiya ee sanadaha badan xoogga ku haystay isla markaana anan waxba u qaban dadkaasi.Waxa kale oo an hambalyo u dirayaa iidanka qaranka Soomaaliland, dawladda, golayaasha iyo shicibka taageerada la garab taagan dadka maamulka Cadde Muuse barakiciyey iyo maleesiyo beewleedyada ku taagan xaq ay iskaga difaacayaan maamulka Majeerteeniya.
Waxana maanta shicib iyo dawladba la innoga fadhiyaa inaan iaalinno qaranimadeenna iyo xuquuqda dadkaasi ay u leeyihiin inay go’aansadaan ka mid ahaanshahooda Soomaaliland ,isla markaana la gaadhsiiyo taageero cunto ,daawo,iyo adeegyada kale ee ay u baahanyihiin lagana ilaaliyxasiloonidarro kale oo maamulka Majeerteeniya mar kale ka dhex sameeyo. Dhawr jeer oo hore ayaa maamulka majeerteeniya si gaadmo ah dadkaasi u kalal daadiyey noloshoodsa iyo degaankooda,isagoo weji qabiil ku doonaya inuu reer Soomaaliland u kala qoqobo ,sidaa darteedna waa inayna dhicin mar labaad ama marsaddexaad inaan maamulkaasi dhulkaasi soo cagodhigan"

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 2118 Views
-
Last post by Blue_609
-
- 14 Replies
- 2272 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 510 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 32 Replies
- 1988 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 18 Replies
- 2335 Views
-
Last post by Dhulbahantking
-
- 8 Replies
- 1641 Views
-
Last post by Lancer
-
- 9 Replies
- 696 Views
-
Last post by marcassmith
-
- 16 Replies
- 2192 Views
-
Last post by Murax
-
- 5 Replies
- 43 Views
-
Last post by kaasje7
-
- 5 Replies
- 1021 Views
-
Last post by kaasje7