GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KANI(RIYAALE)MA XOOG BUU KU QABSADAY!!!!!
Guddoomiyihii ururkii Sahan ee ka qayb galay doorashadii golayaasha deegaanka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka Golaha Guurtidu xilkii iskugu kordhiyeen Muddada Afarta sannadood ah.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ka hadlayay shirjaraa’id oo uu galabta qabtay, waxa uu ka dayriyay Xaaladda guud ee dalka iyo saamaynta muddo kordhinta Guurtidu ku keeni karto Mustaqbalka dambe ee Somaliland, isaga oo gacan taagii Golaha Guurtidu isugu codeeyeena ku tilmaamay in ay dhabar jab ku tahay Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal).
Md. Maxamed Cabdi Gaboose, oo cadho ka muuqatay, waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay eedayn uu u jeediyay Mudane ka tirsan Golaha Guurtida oo ku eedeeyay inuu Dr. Gaboose ku hawlan yahay olole uu ku wiiqayo jiritaanka Somaliland.
Dr. Gaboose, ugu horayn waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaan ka hadlayaa mawqifkayga ku saabsan xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrinta muddo kordhinta golaha guurtida.
Golaha Guurtidu sida shacbiga loogu sheekeeyo maaha gole dhaqan ee waa gole sharci dejin, oo xeer kasta oo golaha Wakiilada ka soo baxa waxa loo gudbinayaa Golaha Guurtida oo ansixinaya ama diidaya. Markaas labaduba [Guurtida iyo Wakiilada] waa laba gole Baarlamaan oo awoodoodii wada leh.
Somaliland waxa ay gashay saddex doorasho oo kala duwanaa, waxaana lagu amaanay in ay ku socoto dariiqii Dimuqraadiyadda iyo wada tashiga, soo afjarkeediina waxa ka dhinaa Golaha Guurtida. Haddii golihii guurtida oo awood sharci dejin leh doorashadiisii hadhsan tahay, waxay umadda oo dhami sugaysay in la habeeyo sidii ay u qabsoomi lahayd doorashadii Golaha Guurtida, si loo soo afjaro hanaankii Dimuqraadiyadda.
Golaha guurtida aniga aragtidayda looma kordhin ee iyagaa gacanta isu taagay, dad badani lama yaabin in la kordhiyo waayo waxa la filayay in la kordhiyo sannad ama lix bilood, si looga baxo duruufaha jira.”
Dr. Gaboose, waxa uu sheegay marka la eego Distoorka Qaranka in cidda keliya ee darsaysa in ay jiraan duruufo loogu kordhin karo Golaha Guurtida xil hayntooda ay tahay Golaha Wakiilada, iyada oo Madaxweynuhuna soo jeedinayo, “Qolada loo talinayaa[Guurtida] iyagu shaqaba kuma laha oo waa rag loo ariminayo, marka Golaha Wakiiladu ku qanco duruufahaas adag ayuu muddo kordhin samaynayaa waana qodobka 42aad ee Distoorka Qaranka” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Dr. Gaboose, oo ka hadlayay doorka Maxkamadda sare ku leedahay muddo kordhinta Golaha Guurtida, waxa uu yidhi, “Xaggee Caalamka lagu arkay Maxkamad Distoori ah oo leh annagaa leh xaqa muddo kordhinta Golaha Guurtida iyo annagaa leh xaqa aanu Madaxweynaha kula talinayno. Waxa meeshaas lagu bah dilay Maxkamadii Distooriga ahayd, waayo Murjacii dhammaa ee marka khilaaf yimaado lagu noqonayay waxay noqotay hay’ad iyada iyo Madaxweynuhu isu jawaabaan, wa ayo cidda loo dacwoonayo ee xisbiyadu odhanayaan waxaas iyo waxaas ayaa igu dhacay ?”
Dr. Gaboose, waxa uu Carabka ku adkeeyay in aanu ku gafayn odayaasha Golaha Guurtida oo uu sheegay in ay xurmo ka mudan yihiin, “Waxaanse qabaa” ayuu yidhi, “Maalinti dhawayto ee ay gacanta wada taageen ee ay korodhsadeen in ay qiimahoodii iyo karaamadoodii hoos u dhigeen oo ay soo afjareen himiladii iyo Dimuqraadiyadii dalkiina u bedeleen nidaam keli talis ah”
Dr. Gaboose, muddo kordhinta Golaha Guurtida waxa uu ku tilmaamay in ujeedada laga leeyahay tahay in la helo gole kale oo dheeli tira golaha Wakiilada oo Mucaaradku aqlabiyada leeyihiin. Dr. Gaboose oo shacbiga u sharaxaya ujeedada rasmiga ah ee muddo kordhinta Golaha Guurtida waxa uu yidhi, “Muddo kordhinta Afarta sanno iyo lixda bilood ee u hadhay ah duruufaha lagu sababeeyay ee la yidhi shantaas sanno way jirayaan micnaheeda runta ahi shacbiyoow waxa weeye in aanay doorasho dambe dalkan ka dhicin.”
Dr. Gaboose, waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay eedaymo uu u jeediyay Mudane Dhugad oo ah Mudane ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, kaas oo Dr. Gaboose ku eedeeyay inuu dalka soo geliyay lacago uu ka soo qaatay gacmo shisheeye oo lagu wiiqayo jiritaanka Qaranimada Somaliland waxaanu yidhi, “Dhaqdhaqaaqa Maanta[shalay] jaraa’idka ka dhacayay waxa weeye maxaad xaqa uga hadashay? Waxaanse idiin sheegayaa taas iyo wax ka xuni haddii ay igu dhacayaan nin xaaraan ku fadhiyaa ii talin maayo oo Gole guurti oo aan Distoor ku fadhiyin marka wakhtigoodu dhammaado ii talin maayaan.”
Dr. Gaboose, waxa uu sheegay in keli-taliyayaasha dunidu aanay samada ka soo degin balse cidda samaysaa tahay shacbiga, waxaanu yidhi, “Shacbiga Daciifka ah ayaa abuura keli-taliyayaasha, Idaacadda ayaan dhagaysanayay shalay iyo maanta waxaanan soo xasuustay ninkii [Siyaad Barre] ee laygu caayayay ee la lahaa waa Abtigaa. Abitgay Siyaad Barre Hub iyo Xoog ayaan ku ogaaye kani[Rayaale] muxuu durbaanka noogu tumayaa”.
Waxa uu Dr. Gaboose sheegay in ay Somaliland hayso jid halis badan, “Shacbiyahow markaad keli taliska abuurtid burburka dambe ee dhacaya hadhow ha ka shaalaayin…Waar wuxu marka ay yar yihiin ayaa la toosiyaa oo markay sax yihiin ayaa la qabtaa, berina waxa ku xigi doonta xabsiyada oo la ballaadhsado oo kii juuq yidhaahdaba la yidhaahdo Madaxweynaha ayuu ku gafay, waayo dadka ayaa shakhsiga gaadhsiinaya meel aan laga soo qaban Karin”.
Waxa uu ugu dambayn Dr. Gaboose, sheegay in halgankii SNM uu ugu biiray si uu u helo dawlad leh nidaam Dimuqraadi ah oo xambaarsan wada tashi iyo horumar, “Waxaan ahaa ninkii ugu horeeyay ee isaga oo Wasiir ka ah dawladii Soomaaliya xilka ka tagay, waxaanan qallinkii saaray miiska oo waxaan tagay Baligubadle oo intay Kaneeco igu cuntay Diridhaba la I geeyay oo aan koomo ku jiray waxaanan filayay oo ay rajadaydu ahayd dad dadkan dhaama iyo Maamul Maamulkii hore dhaama in aan helo” ayuu yidhi Dr. Maxamed Gaboose. Waxaanu intaas ku daray “Habeenadana Naftaydu sariirta way qaban weyday oo mar naftu waxay I tidhaahdaa Dhakhtarnimada iska xidh kolay way burburaysaaye, haddana waxay tidhaahdaa SNM oo dibad kuu joogta oo aad u carartana lama hayo, marna waxaan idhaahdaa oo tan si aad xaqa u sheegtid ma waxaad u baahantahay Madfac? Ma qoribaad u baahan tahay? Ma dagaal iyo dhiig la qubaad u baahantahay? Xaqu waa caqliga Illaahay I geliyay, caqliga Illaahay I geliyayna waxa weeye dalkii meel adag ayuu marayaa iyo cid daba qabata ayuu u baahanyahay. Nalagu xukumi maayo gole guurti oo is doortay, Wallaahi in aan nalagu xukumayn. Haddii aniga lay xidho xikmad ay samaynayso ma leh iyo haddii la I dilaba ee dadka Maskaxdoodu haka fekereen maxaa loo dhintay?” .
Ugu dambayn Waxa uu Gaboose oo daba socday hadalada uu Mudane Dhugad ku weeraray ee uu sheegay in uu Dr. Gabose ku hawlan yahay duminta Somaliland wuxuu yidhi, “Nabadgelyada maanta lagu fadhiyo shirkii Saddexaad ee Beelaha Somaliland ee lagu keenay qayb ayaan ka qaatay, Goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada Arkiifiyadooda waxa taala Biladii nabadda la igu guddoonsiiyay” Mar Dr. Gaboose la weydiiyay, bal hadda sida uu iskaga difaacayo eedaymaha loo soo jeediyay ee lagu eedeeyay inuu soo qaatay lacago uu ku duminayo Somaliland waxa uu yidhi, “Ma cadhaysni oo ma dagaalansani; waayo halganka aan go’aansaday ayaa waxa ka mid ah in uu qodxo badan yahay. Waxa mudanahana ka dhawaajiyay wax aan hadda idin kula hadlayo, Adeer [Mudanaha] waad isku cusboonaysiisay haddii aan noocaas yeelayana dagaalba ma soo galleen, waxa soo hadhay Mudanaha guurtida ku jira ee hadal intaas le’eg yidhi waxaan la yaabay ilaa xadka uu ku gefay hay’adaha Sirdoonka Somaliland. Walaalayaal been idiin sheegi maayo lacagta Somaliland inta qarsoon inta ugu badan waxa lagu bixiyaa Sirdoonka, waxaas oo hay’adoodna miyay soo heli kari waayeen xafiisyada aan lacagta dhigtay?. Hay’adaha sirdoonka oo dhammi waxay arki waayeen ee Mudane Dhugad arkay maxay yihiin,? Ta labaad odhan maayo caddee hadalkaas, waayo haddii uu caddayn hayo marka hore ayaabu soo dhigi lahaa. Ta kale ereyadiisii waxaan u qaatay laba erey oo kala ah cayda iyo eedaynta. Cayda iyo aflaagadaynta anigu waaban ku naaxaa oo darajo ayaa iigu koradha dhaqana waxa ii ah in aanan cay ka jawaabin; waayo berigaas billadda nabadda la I siiyay cay ayuun baa la igu hayay. Ta eedaynta wuu i dhisay oo wuxuu yidhi dunida Reer Galbeedka lacag ayuu ka soo qaatay oo Talyaaniga ayaa loo soo mariyay Al-qaaciidana lacag ayuu ka soo qaaday oo Wadaadadii Xamar ayaa loo soo mariyay. Dee haddii aan awoodaha galbeed iyo Al-qaciida lacag ka soo qaadan karayo walaalkay imaba caayin ee wuu I amaanay. Ta kale wuxuu yidhi reer culus buu marba dhinac u kexeeyaa. Iyadana wuu I amaanay oo reerku taladaydii ayay ku socdaan waxaanu xukuumadda u sheegay in aanu reerkii waxba ka hayn” .
Dr. Gaboose oo la weydiiyay, maadaama uu sheegay in aan Maxkamadii Distooriga ahayd loo dacwoon Karin oo aanay dhex ahayn bal hadda sida uu xal u arko waxana uu yidhi, “Fikirkan waxa ka dambeeya damaaci ee inta caqligu dib u fadhiisto oo fekero oo sharci iyo xeer iyo wada tashi iyo walaaltinimo wax lagu wado la yimaado, waayo damaaci waxba laguma wado, dalkanina waxa uu leeyahay shacbi, salaadiin, wax garad iyo, Saxaafad, waana hubkii Dimuqraadiyadda lagu ilaalinayay oo isagaa u furan shacbiga iyo Saladiinta, waxaanan leeyahay Salaadiinta intaan dalku meel fog gaadhin dhaqso u soo dhex galla”.
Gabosoe oo la weydiiyay ujeedada safar uu dhawaan ku tagay Magaalada Burco waxaanu yidhi, “Ujeedaydu waxay ahayd urur SAHAN la yidhaahdo ayaan beri ku jiray siyaasadana rajo iyo nolol mar walba waa laga leeyahay markaas dadkaan isku xidhnayn inaan soo salaamo oo aan wada tashano ayay ujedayadu ahayd.”
Dr. Gaboose oo la weydiiyay, bal inuu macneeyo waxa uu uga jeedo Abitgay Siyaad Barre Hub iyo Xoog ayaan ku ogaaye kani[Rayaale] muxuu durbaanka noogu tumayaa iyo in intii ka dambaysay muddo kordhinta Golaha Guurtida in uu la kulmay guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay saaxiibo yihiin waxa uu yidhi, “Soomaaliya waxay urursatay hub oo ninkii Jananka ahaa ee haystay wuxuu urursaday ciidan loo bixiyay ciidanka ugu xooga weyn Afrikada Madaw, ciidankii ciddii juuq tidhaahdaba wuu la hor istaagaa. Jabhado ayaa baxay oo qorigii ayaa la qaatay, hubkii intaas le’ekaana wuxuu ku dambeeyay burbur iyo xal la’aan. Anigu markaan leeyahay Daahir Rayaale reer iyo gobol kama wado, shakhsi kasta oo Madaxtooyadan fadhiyaa nooguma bu’I karo sidii tii hore waayo tii hore awoodii halkay ku dambaysay ayaan ogaa waanan ka qayb galay dadkii riday.
Saaxiibkay Saleebaan-Gaal haddii aan niyadayda dhabta ah idiin sheego maan arag, waayo waxaan u arki waayay waan u han weynaa markaan eego tacliintiisa, waayo-aragnimadiisa iyo dadnimadiisa. Waxaan hubaa gacanta Golaha laga taagay ka ku jabay inuu Saleebaan yahay.”
Liibaan Maaweel Shire
Somaliland Today Correspondent

Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
i think gaboose hates riyaale more then silaanyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
maxa anaga aabtigii naga gallay
- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
Waa iska hadal badan yahay ninkani 

- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
I love how these people take things out of context. Gaboose as part the questions asked him basically meant "don't compare my powerful abti to this weak thing" and they made it the explosive headline. :lol
[quote]Abitgay Siyaad Barre Hub iyo Xoog ayaan ku ogaaye kani[Rayaale] muxuu durbaanka noogu tumayaa”.[/quote]

[quote]Abitgay Siyaad Barre Hub iyo Xoog ayaan ku ogaaye kani[Rayaale] muxuu durbaanka noogu tumayaa”.[/quote]

- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
Well , I don't think it's a good idea to remind anybody of your ties with Siyaad Barre if you're running for office in Somaliland !! 

- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
[quote="Ina Baxar"]Well , I don't think it's a good idea to remind anybody of your ties with Siyaad Barre if you're running for office in Somaliland !!
[/quote]
OO kaad dooran, ka Junior Jaajuus noo ahaa (Riyaale) mise ka Wasiirka Caafimaadka noo ahaa? You pick, you choose!

OO kaad dooran, ka Junior Jaajuus noo ahaa (Riyaale) mise ka Wasiirka Caafimaadka noo ahaa? You pick, you choose!
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
bal maxa ka gallay gaboose
daahir duufle iyo durbaankiisi
maandhere bu ku xidhanyahay eeh
daahir duufle iyo durbaankiisi
maandhere bu ku xidhanyahay eeh
- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
Riyaale is a NATIVE!! waxaad doonta ku sheega, waa u dhashay dhulka. Bal haddaaney nacnac ka ahayn , Afweyne ii abti aha ma wax idoorka loogu sheekeeya? 
Again wether he is proud of his uncle or not IS NOT the issue. It's bad PR that's all I am saying!!

Again wether he is proud of his uncle or not IS NOT the issue. It's bad PR that's all I am saying!!
- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
[quote="Ina Baxar"]Riyaale is a NATIVE!! waxaad doonta ku sheega, waa u dhashay dhulka. Bal haddaaney nacnac ka ahayn , Afweyne ii abti aha ma wax idoorka loogu sheekeeya?
[/quote]
Kolay un meeshaad kasoo jeedidi anigu igama qarsoonee, Habar Yoonis nacaybkaadu reerahiina kala dood anigu IDDOOR baad ii wada tihiin
As far as I am concerned Gaboose waa nin mutacalin ah oo Habar Yoonis ah Riyaalana nin Gedabursi ah oo basaas ah..adigay kuu taal cidaad dooratid ima qusayso anigu....NEXT

Kolay un meeshaad kasoo jeedidi anigu igama qarsoonee, Habar Yoonis nacaybkaadu reerahiina kala dood anigu IDDOOR baad ii wada tihiin
As far as I am concerned Gaboose waa nin mutacalin ah oo Habar Yoonis ah Riyaalana nin Gedabursi ah oo basaas ah..adigay kuu taal cidaad dooratid ima qusayso anigu....NEXT

- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
What a dumb bit.ch!! 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
dadkan walaan eeh ina baxar la doodaya baan la yaaba anigu
nin reerku ku ka dhashay iidoor ku shegaya
nin reerku ku ka dhashay iidoor ku shegaya
- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
Emperior haye ma lagu dhaqan geliyey, Cross Dresser ma maxkaxduu kaa qabsaday siduu xplaya kaa qabsaday..so taad shalaytoole lahayd kani waa naanaan, waa wax walan, magacagaya ceebeeyey, nin qooro leh ee magac haweenayd meesha lasoo geliyey...miyaad ka moog tahay waxaad shala lahayd waxyaho iska daciifsan 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA
war anigu ina baxar waligay dad umaan haysan
wa half hadhuudh cunne half qurjile
night nurse na jabuuti buu ka aha
wa half hadhuudh cunne half qurjile
night nurse na jabuuti buu ka aha
- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: GABOOSE ABTIGAY(SIYAAD BARE) HUB IYO XOOG BUU KU QABSADAY KA

Iyagii ba hadda isku laabtay

Emperior adigu kolba cid baad kabaha u qaada , wax ii sheegi kari maysid love!!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 348 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 0 Replies
- 336 Views
-
Last post by wadaniweyn1
-
- 18 Replies
- 1122 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 76 Replies
- 2934 Views
-
Last post by Shirib
-
- 172 Replies
- 7741 Views
-
Last post by Jesteye
-
- 54 Replies
- 2810 Views
-
Last post by udun
-
- 14 Replies
- 1136 Views
-
Last post by precious_dyme