OUR 3 SONS ARE STILL LOCKED UP

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

OUR 3 SONS ARE STILL LOCKED UP

Post by The_Emperior5 »

http://www.somaliland.org/2007/10/23/si ... a-ku-jira/


Siyaasiyiinta Ururka QARAN oo weli xabsiga ku jira
October 23rd, 2007 [xfp, Other] |

Siyaasiyiinta ururka QARAN ayaa wali u xidhan arrimo siyaaseed dawladda Somaliland, iyaga oo xabsiga loo taxaabay 28 July, 2007.

Siyaasiyiintan ayaa ciidamada Boolisku guryahooda oo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah ka soo qabqabteen subaxnimadii hore, abbaaro 6:00 aroornimo ee dabayaaaqadii bishii July 2007. Waxayna kala yihiin Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas iyo Jamaal Caydiid.

Dhamaan raggaas la xidhay waxay ka mid ahaayeen ururkii xaq u dirirka ahaa ee Somaliland ka xoreeyay taliskii Siyaad Barre. Maxamed Xaashi Cilmi isagu wuxuu ka mid ahaa asaaseyaashii goobjoogga ka ahaa ku dhawaaqista ururka SNM.

Waxa laysku raacay inaanuu jirin dembi xubnahaasi ka galeen dalka ama carqaladayn ay ku hayeen nabadgelyada, qodobadaas oo dawladu u cuskatay xadhigooda. Xubnahaas xidhan ee ururka QARAN waxay ku doodayeen in ururkooda loo oggolaado xaqa uu u leeyahay inuu isu diiwaangeliyo urur siyaasi sida dastuurka ku cad.

Ergo dhexdhexaadin ah oo ka koobnayd abwaano iyo waxgarad kale ayaa ka hawlgalay sidii khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan loo soo afjari lahaa. Kulano dhexdhexaadin ah oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada ayuu Madaxweyne Riyaale ku ballanqaaday in la soo dayn doono madaxda ururka QARAN, hase yeeshee markii ergadu soo gebagebaysay dhexdhexaadintaas laguna tilmaamay guul in laga gaadhay dhinacyada oo dhamina ay qaranka tanaasul u sameeyeen ayaa muddo yar ka dib Madaxweyne Riyaale beeneeyay inuu oggolaaday in madaxda QARAN la sii daayo. Hase yeeshee waxa uu ku adkaystay in xadhigga siyaasiyiinta QARAN ay tahay “hawl u taalla hay’adda garsoorka/maxkamadaha”, haddii ay doonayaan in xabsiga laga sii daayana ay cafis soo waydiistaan isaga.

Mawifka ururka QARAN ayaa ah inaanay marnaba ku xadgubaynin mar hore mar dambeba sharuucda dalka u yaalla, siyaasiyiintooda xidhanina aanay wax dembi ah gelin, xadhigooduna uu yahay mid siyaasadaysan, sidaa darteedna cafiska madaxweynuhu sheegay uu ka dhigayo dembiileyaal cafis loo fididyay, taasoo aanay diyaar u ahayn inay aqbalaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”