Guess Who the special forces are Now. I can asure you one thing they sure ain't Marehan.



Ciidammo Koofiyad Cas xiran oo lagu arkay waddooyinka Muqdisho, kuwaasoo sugaya ammaanka caasimadda
Posted October 25th, 2007 by BaraxleySomali Ciidammo Koofiyado guduudan ayaa soo buuxiyay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo aysan dadka Muqdisho horay u arki jirin, iyadoo ciiidammadaan lagu arkayo waddooyin badan oo ku yaalla bartamaha Muqdisho, iyagoo ilaalo haya.
Ciidammadaan oo aanay dowladdu shaacin ayaa haddana waxay xiran yihiin dharka milateriga, waxayna wataan gawaari nooca dagaalka ah oo fara badan, iyagoo isgoysyada Muqdisho ee ugu rabshadaha badan mararka qaarkood ku hakada, halkaasna ilaalo xooggan ka qabta.
Shacabka Muqdisho ayaa waxay ku tilmaameen ciidammadaan inay yihiin kuwii loo aqoon jiray KOOFIYAD CASTII Dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre, kuwaasoo u badlaa howlgallada laga sameynayo meelaha lagu maleeyo inay khataro badan ka jiraan, iyadoo ciidammadaanna ay yihiin kuwo meelaha ugu khatarta badan la geeyo.
Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan ay yihiin ciidammo dhawaan tababarro ay ugu soo dhammaadeen Gobolka Bakool ee Galbeedka Somalia, iyadoo tababarka ciidammadaan uu yahay ka hortagga khataraha iyo weerarrada gaadmada ah ee lagu qaado fariisimada ciidammada Dowladda.
Feejignaan dheeraad ah ayaa ka muuqata ciidammadaan, iyagoo si weyn uga duwan ciidammadii hore ee Milateriga, waxaana inta badan gacan siiyaan Booliiska Somalia, iyagoo saldhigyada booliiska xilliyada habeenkii ah ka gala heegan buuxa.
Ma jiraan wax war ah oo ku saabsan in ciidammadaan cusub ay soo galeen magaalada ayna qayb ka yihiin ciidammada sugaya ammaanka Muqdisho, waxaase lagu arkay iyagoo gaafwareega waddooyinka Muqdisho muddo ka yar 24-saacadood.