Biyo & cunto la'an ka jirta gobolka Nugaal
Posted: Sun Oct 28, 2007 11:58 am
Degmooyin ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxaa ka jira biyo la'aan iyo cunto
la'aan ba'an oo ay sababtey roob la'aan.
Roobka Deyrta ayaan boqolkiiba labatan ka da'in gobolka Nugaal iyada oo deganada abaarta ka jirto yihiin; Qarxis, gubato,Dhaganle, Xasbahale Budunbuto, godobjiraan, Baarweyn, Dangarayo, Eyl iyo Sunijiif.
Dhulkaas ayaa dhamaantood roobab ka da'in iyada oo xeeldheerayaashu sheegayaan hadii labada Asbuuc ee socda aysan helin xiligii Deyrta oo gabaabsi ah ay khatar ku sugan yihiin dadka degaankaas.
Cuntada ayaa gabaabsi ah degaanadaas iyada oo laga guurey qaar ka tirsan tulloyinkaas sida tuulada Gubato oo u dhexeysa Eyl iyo Garowe.
Hay'adaha maxaliga ee gobolka ayaa baaq u diraya hay'daha samafalka in ay
u soo gurmadaan dadkaas.
Ceelsha Dhaganle, Qarxis iyo xasbahale ayaa matooradii biyaha soo tuuri jirey jaban yihiin dayactir la'aan.