Wixi ka danbeeyay markii xilka uu isaga tagay R/Wasaarihii Somaliya Cali Max'ed Geedi ayaa waxaa bilowday dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo Xiriiro wajiyo Cusub oo ay yeelanayan xubnaha ku jira dawladda ee feker ahaan raacsanaa Cali Geedi.
Warar aanu helnay ayaa sheegaya in Xubno ay kamid yihiin Muuse Sudi Yalaxoq,Max'ed Qanyare Afrax,iyo Salad Jeelle ay lasoo xiriireen gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Dheere iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliyeed General Cabdi Qeybdiid iyagoona kala hadlay sida xaal uu isu badali doono.
Waxaa soo baxaya in xubnahasi si wadajir ah ay u dareemeen khatar siyaasadeed oo laga yaabo in ay soo wajahdo kadib is casilaadda Geedi manaba kusii jiraan Qanyare iyo Muuse Suudi oo maanta uu soo hadal qaaday Madaxweynaha.
Dadka ku xeel dheer siyaasadda ayaa sheegaya in isbadalka dhacay uu gogol xaar u noqday maamul goboleed si rasmi ah ay ugu dhawaaqaan beelaha degan Banaadir kaasi oo lagu sii baahin doono gobollada Shabeelooyinka.
Gudoomiye Max'ed Dheere oo isaga xilka madaxtinimo ee maamulkaasi loo bira tumayo ayaa ku jira iminka hub uruursigii ugu xooganaa si Maamulkaasi uu u noqdo mid aysan loodin awoodaha ka hor imaan karaya.
C/Qeybdiid,Muuse Suudi,Max'ed Qanyare,Salad Jeelle oo Xiriir
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post