In suuqa xoolaha ,the occupiers were chase back to their base

3 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia oo ku geeriyootay dagaal culus oo maanta ka dhacay Muqdisho
Click here to find shabelle news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 08, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- 3 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia ayaa inta la og yahay ku geeriyootay 7 kale oo labo ka mid ah ciidamada Ethiopia ay yihiin waa ay ku dhaawacmeen iska horimaad xoogan oo maanta barqadii ka dhacay xaafado ka mid ah suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa.
Iska horimaadkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamada Ethiopia iyo xoogagga ka soo horjeeda dowladda KMG ah.
Dagaalkaan oo bilowday saakay 10 kii Barqanimo ayaa waxa uu istaagatay 11:30 kii ka dib markii ciidamada Ethiopia ay isaga baxeen suuqa xoolaha.
Iska horimaadkaan ayaa waxa uu yimid ka dib markii ciidamo Ethiopian ah oo ka soo kala baxay xerooyinka Maslaxa iyo Warshaddii Baastada ay soo galeen xaafado ka mid ah suuqa xoolaha, halkaasi oo ay kala kulmeen iska caabin xoogan.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay shabelle u xaqiijiyeen in labo ka mid ah ciidamada Ethiopia ay ku geeriyootay, iyadoo mid ka mid ah meydadkaasi uu wali yaalo xaafadda Suuqa xoolaha, halkaasi oo dadweyne fara badan ay ku daawanayeen iska horimaadka ka dib.
Ciidamada Ethiopia ayaa ku kala laabtay aagaggii ay ka soo baxeen ee warshaddii hore ee Baastada iyo Xeradii Maslaxa, waxaana haatan isugu soo baxay halkaasi boqolaal dad ah.
Magaalada Muqdisho ayaa u muuqanesa mid cagaha sii galineysa dagaalo iyo weeraro joogto ah, taas oo inta badan dadku ay ka barakaceen guryahooda.