Axmed oo ka baxay Liiska musharaxiinta Jagada Ra'iisul Wasaaraha, kuna laabtay Mareykanka (Maxay tahay sababta) xog dhab ah.
Prof. Cali Axmed Jimcaale oo todobaadkii hore ahaa shaqsiga aad loogu hadal haya inuu qabanayo jagada Ra'iisul Wasaaraha Cusub ayaa hada ka baxay, loolanka uu ugu jiray jagadaas.
Cali Jimcaale ayaa labo maalmood ka hor ku laabtay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka, kadib markii ay Maamulka Addis Ababa isla meel dhigi wayaeen qabashada xilkii uu baneeyay Cali Geeddi
Ilo wareedyo ku dhow dhow Professorkan wax ka dhiga Queens College iyo Jaamacad lagu magacaabo City Universita oo ku taal Magaalada New York ayaa la sheegayaa in dood dheer dhex martay isaga iyo Dowladda Ethiopia, taasoo aaqirkii ay isku afgaran waayeen qodobo uu hordhigay Ethiopia iyo Saraakiil si hoose ah uga socota Xafiiska Madaxweynaha.
Prof. Jimcaale ayaa sheegay in hadii la doonayo inuu kasbado kalsoonidda dadka reer Muqdisho ay laga maarmaan tahay in la helo sedex qodob oo arrinkaas muhiim u ah kuwaaso culeys adag ku noqotay Dowladda Ethiopia.
Waxa uu hordhigay shuruudo aad muhiim u ah oo uu sheegay in ay tahay tan kaliya ee shacabka ay uga samata bixi karaan dhibaatada iminka heysata, kuwaasoo kala ah:
1- In la mudeeyo taariikhda ay ciidanka Ethiopia Soomaaliya ka baxayaan
2- Inuu la hadli karo cid walba oo soomaali ah oo Dowladda Kmg ka soo horjeedda
3- Inuusan Addis Ababa uga amar qaadaneynin aaya ka talinta arrimaha xukuumadda.
Shuruudahaas oo idil ayaa noqotay mid ay isla meel dhigi waayeen isaga iyo Dowladda Ethiopia oo iyadu daneyneysa in ay hesho shaqsi buuxiya Xilka Ra'iisul wasaaraha, kaasoo u hogaansama awaamiirteeda.
Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf laftiisa uu ka biya diiday qorshaha Cali Jimcaale una arko inuu yahay shaqsi aan wax la marsiin karin, iyadoona dad ku dhow dhow Madaxweynaha ay sheegayaan in beeshiisa ay uga digtay inuu u magacaabo Cali Jimcaale xilka Ra'iisul Wasaaraha, maadaama uu horay uga qoray Buug lid ku ah Beesha C/llaahi Yuusuf ka soo jeedo.
Wali waxaa la baadigoobayaa cidii qaban laheyd Jagada Ra'iisul Wasaaraha cusub, iyadoona wali Madaxweynaha ku jahwareersan yahay cidii uu u magacaabi lahaa iyadoona durba shaashadaha ay ka soo muuqdeen rag badan oo xilkan doonaya
Prof. Cali Jimcaale oo iska diiday xillki prime minister....
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Diyeeshaha_Tolka
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3524
- Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
- Location: webiga jowhar jiinkiisa
Re: Prof. Cali Jimcaale oo iska diiday xillki prime minister....
Good news..
More people are rejecting the PM position everyday..
More people are rejecting the PM position everyday..
- Luq_Ganane
- SomaliNet Super
- Posts: 7849
- Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am
Re: Prof. Cali Jimcaale oo iska diiday xillki prime minister....
^^
Alchemist I'm sure Salebaan are salivating for it. They'll probably have to kill more Hawiye to be more deserving in Afbijo's eyes

Alchemist I'm sure Salebaan are salivating for it. They'll probably have to kill more Hawiye to be more deserving in Afbijo's eyes

- Diyeeshaha_Tolka
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3524
- Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
- Location: webiga jowhar jiinkiisa
Re: Prof. Cali Jimcaale oo iska diiday xillki prime minister....
sedex shuruud uu hordhigay hadii ethiopiaankii diideen arintu way iska cadahay sheekada waa gumaysi ..and there is no point of becaming prime minister wadan aan xor eheen ..and i think he made a good choise of not becoming another dabadhilif
- Diyeeshaha_Tolka
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3524
- Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
- Location: webiga jowhar jiinkiisa
Re: Prof. Cali Jimcaale oo iska diiday xillki prime minister....
Luq_Ganane.... sxb c/yusuf ma ahan qofka wax dooranaayo ee wa melez zanawi ..did u ask ur self why uu ninkan la yiraahdo jimcaale uu tagay adis-ababa for 2 days .and not baydhabe.
qof walba oo rabao jagadaas waa inuu tagaa adis-ababa .halkaas waa caasimada somalia
qof walba oo rabao jagadaas waa inuu tagaa adis-ababa .halkaas waa caasimada somalia
Re: Prof. Cali Jimcaale oo iska diiday xillki prime minister....
[quote="Diyeeshaha_Tolka"]sedex shuruud uu hordhigay hadii ethiopiaankii diideen arintu way iska cadahay sheekada waa gumaysi ..and there is no point of becaming prime minister wadan aan xor eheen ..and i think he made a good choise of not becoming another dabadhilif[/quote]
Your 100% right..... This is the second guy to reject it...
Your 100% right..... This is the second guy to reject it...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 615 Views
-
Last post by Lacageylacag
-
- 12 Replies
- 1003 Views
-
Last post by Alchemist
-
- 35 Replies
- 2477 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 2 Replies
- 762 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 23 Replies
- 2770 Views
-
Last post by accident
-
- 21 Replies
- 119 Views
-
Last post by accident
-
- 38 Replies
- 3610 Views
-
Last post by sahal80
-
- 16 Replies
- 2116 Views
-
Last post by Southie4life
-
- 24 Replies
- 1101 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 8 Replies
- 2886 Views
-
Last post by Voltage