wasiir iska diiday in uu qabto xilka cusub loo magacaabay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

wasiir iska diiday in uu qabto xilka cusub loo magacaabay

Post by Diyeeshaha_Tolka »

Xildhibaan ka tirsanaa xubnihii golaha wasiirada ee xalay looga dhawaaqay Baydhabo oo si cad uga soo horjeestay inuu xilkaasi qabto ka dib markii

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya kana mid ahaa xubnihii golaha wasiirada ee xalay looga dhawaaqay xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa isagu ka biyo diiday markii la magacaabay ka dib inuu xilkaasi qabto, isagoo noqday xubinta kaliya ee ka maqneyd munaasabadii dhaarta ee golaha wasiirada oo isla xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Cumar Dheere. loona magacaabay inuu noqdo wasiir ku-xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha ayaa isagu markii la gaaray xiligii dhaarta golaha wasiirada si cad ugu tegay madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, isagoo u sheegay inuu ka tanaasulay xilka looga magacaabay golaha wasiirada uusana dooneynin inuu xilkaasi qabto, iyadoo xildhibaankaasina uusan sheegin sababaha keenay inuu xillkaasi loo magacaabay ka biyo diido, hase ahaatee mar saxaafadu ay si hoose u weydiisay arintaasi ayaa waxa uu sheegay inuu saluugsan yahay xilkaasi uusana u qalmin inuu qabto oo sida darteed uu uga baaqsadauy inuu u dhaarto.

Xildhibaan Cumar dheere ayaa noqonaya xubintii ugu horeysay ee ka tirsan golaha wasiirada ee hadda la magacaabay oo diida inuu xilkii loo dhiibay qabto, waxaana la sheegay in madaxweynuhu uu u sheegay xildhibaanka haddii uu diiday inanaey jirin cid ku qasbeysa oo isla markaana uu u madax banaan yahay xoriyadiisa, waxaana arintani ay ka mid aheyd arimaha sida weyn looga hadal hayey magaalada Baydhabo habeenimadii xalay illaa saaka.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”