Colonial President Yusuf of Kilinka 6aad HOSPITALIZED
Posted: Tue Dec 04, 2007 10:05 am
Let him enjoy the pain like everyone else.
Madaxweyne Yuusuf oo la seexiyay isbitalka Kenya Hospital saacadaha soo socdana loo duulin doono Londan
Nairobi
Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya ayaa sheegaya in xaalad caafimaad darro oo la soo gudboonaatay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed loo seexiyay isbitalka ugu weyn magaalada Nairobi ee Kenya Hospital.
Sidoo kale, TV-ga Al Jazeera ayaa sheegay in xaalad caafimaad xumo owgeed madaxweynaha maanta loo jiifiyay isbitalka weyn ee magaalada Nairobi, isagoo sidoo kalena sheegay in gaadiidka gurmadka deg dega ah ee loo yaqaano Ambulance-ka uu ka soo qaaday madaxweynaha oo awoodi waayay inuu cagihiisa ku tago Isbitalka.
Caawa ayaa lagu wadaa in loo duuliyo magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu ku yaala Isbitalkii sida gaarka ah loogu daweyn jiray xaaladiisa caafimaadna lagala socon jiray, iyadoo isbitalkaasina uu yahay isbitalkii loogaga bedelay beerkiisa.
Waxaa barqanimadii maanta soo gaaray Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Madaxweynaha dowlada federaalka ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo R/wasaaraha cusub ee dhawaan xilka loo magacaabay habeen horena ku dhawaaqay golihiisa wasiirada Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.
Safarka ay mas'uuliyiintaan ku yimaadeen magaalada nairobi ayaan horey loo sii shaacin iyadoo ay sidoo kalena ka soo baxayaan warar is qilaafsan Safarka ay Madaxweynaha iyo r/wasaaruhu ku yimaadeen Nairobi.
Wararka qaar oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Safarka madaxweynaha uu salka ku hayo Xaaladiisa caafimaad iyadoo la soo sheegayo in madaxweynuhu uu xanuunsanayo daweyna uu u yimid dalka kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi, halka R/wasaaruhuna la sheegay in uu horey u soo raacay.
Lama garanayo sababta haatan safarkaan deg dega ah ugu dhalisay mas'uulyiinta ugu sareysa Dowlada iyadoo ay Magaalada baydhaba ka soconayso is casilaad ay wadaan golihii wasiirada ee uu ku dhawaaqay R/wasaaraha iyo waliba is qab qabsi ka dhashay wasaaraddaha iyadoo sidoo kalena ay beelaha qaar sheegeen in aysan marna raali ka ahayn waxa dhacay.
Hadaba wararka oo iska soo daba dhacaya ayaan waxaan idiin balan qaadaynaa in aan saacad waliba idiin soo gudbino safarka ay Mas'uuliyiintaan ku yimaadeen Nairobi.