Page 1 of 1

Ciidamada Qaranka pre-emptively Karbaash Puntland melitia

Posted: Fri Dec 07, 2007 5:27 am
by yawle
Ciidanka Qaranka oo Hawlgal ka Fuliyey Tuulada Kalabaydh/Sool

Laascaanood (Jam)- Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee tuulada Kalabaydh oo dhinaca Garoowe ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay, isla markaana gaadhsiiyey khasaare lama filaan ah malleeshiyo taageersan Majeerteeniya, oo iyagu isku deyay inay dhibaato gaadhsiiyaan ciidammada qaranka iyo dadka ku dhaqan tuulada Kalabaydh.

Sida ay u xaqiijiyeen weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Sool, Mr. Cabdulqani Xasan Faarax (Gadari) dad looga qaateen ah oo ku sugan tuuladaas, waxa ay sheegeen inuu kooxdaas watay nin lagu magacaabo Ina Waranle oo isagu hore uga tirsanaa ciidanka qaranka, balse markii dambe u baxsaday dhinaca Majeerteeniya.

Waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in kooxdaas oo damacsanaa inay khalkhal ka abuuraan tuulada ay markii dambe si habqan ah u kala baxsadeen.

Tuulada Kalabaydh ayaa ahayd mid xasilloon dhaqdhaqaaqyaduna ay sidoodii hore u socdaan, haseyeeshee lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha loo geystay kooxdaas