Page 1 of 1

Somaliland. President meets with with Somaliland Youth SONYA

Posted: Sat Dec 15, 2007 3:54 pm
by XidigtaJSL
Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Ururka dhalinyarada
Written by Qarannews

Hargaysa (Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Guddi ka socota Ururka Dhallinyarada ee SONYA, kuwaasi oo ka koobnaa dhammaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhallinyarada SONYA oo ku soo gabagabeeyay shirkoodii caadiga ahaa ee labadii sannadoodba ay mar qaban jireen, waxay Madaxweynaha warbixin ka siiyeen waxqabadkoodii dhawrkii sanadood ee inna dhaafay iyo himilooyinka ay hiigsanayaan in ay hirgaliyaan mustaqbalka soo socda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, hadal uu uu jeediyey Guddigaa dhallinyarada waxa uu kula dardaarmay in ay had iyo jeer ilaashadaan muhiimadda koowaadna ay siiyaan midnimada, iskaashiga iyo wax wada qabsiga Bulshada Somaliland, Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada u sheegay in Xukuumad ahaan ay mar walba diyaar u yihiin in ay ka taageeraan dhallinta Mashaariicda iyo Afkaarta ay u soo gudbiyaan, kuwaas oo wax weyn ka tari doona Mustaqbalka iyo Aayaha dambe ee dhallinta. Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay Mustaqbal iyo rajo aad u fiican oo loo baahan yahay dhallintu in ay kaalin wax ku ool ah ka muuqdaan Horumarka Dalka. Guddoomiyaha Ururka Dalladda SONYA, Mudane, Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo) waxa uu ugu mahadnaqay Madaxweynaha fursadda qaaliga ah ee uu siiyay inuu la kulmo guddida dhallinyarada iyo tallooyinka fiican ee uu siiyayba.
Kullankaasi waxa kaloo goob joog ka ahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane, Maxamuud Siciid Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.



Qarannews

Hargaysa
Last Updated ( Dec 15, 2007 at 04:47 PM )

Re: Somaliland. President meets with with Somaliland Youth SONYA

Posted: Sat Dec 15, 2007 3:56 pm
by Advocatar
Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

Re: Somaliland. President meets with with Somaliland Youth SONYA

Posted: Sat Dec 15, 2007 4:07 pm
by Executive
Laughing Laughing

Re: Somaliland. President meets with with Somaliland Youth SONYA

Posted: Sat Dec 15, 2007 4:07 pm
by Enemy_Of_Mad_Mullah
[quote="Advocatar"]:lol: Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing[/quote]


viva usgag boqal riyale Laughing