Ma dhab baa in hogamiye-yasha Sade ay yihiin Argagixiso?

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Ma dhab baa in hogamiye-yasha Sade ay yihiin Argagixiso?

Post by CoolPoisons »

Barnaamijka Baraarujinta Bulshada (BBB)- Ma dhab baa in qaar ka tirsan hogaamiye-yaasha beesha Sade ay yihiin Argagixiso?
Sida ay beryahaan qoraan qaar ka tirsan shebekadaha inta badan wax ka qora deegaanada ay beesha Sade degto ayaa waxay sheegeen in xubno ka tirsan mas'uuliyiinta deegaanadaas ay yihiin Argagixiso. Haddaba, su'aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay, ma dhab baa in qaar ka tirsan hogaamiye-yaasha beesha Sade ay yihiin Argagixiso?

Haddii aan taariikhda dib ugu noqono, bulshada ku dhaqan gobolka Gedo waxay soo martay dagaalo macno daro ah oo ay iyaga dhexdooda isaga soo horjeedeen, kuwaasoo mar u dhaxeeyay Ururkii SNF oo gacan ka helayay dowladda Itoobiya iyo Ururkii Al-Itaxaad.

Dagaalada sokeeye ee bilaa macnaha ahaa ee uu gobolka Gedo soo maray ayaa waxaa ku naf waayay dad badan oo labada dhinacba lahaa, waxaana ku lumay hanti aad u fara badan.

Dagaaladii mudada dheer ka socday gobolka Gedo, ayaa waxuu sababay kala aamin bax iyo in deegaanada gobolka Gedo ay noqdaan kuwo kala qoqoban ama aanan la'isaga gudbi karin, ayada oo uu isla markaana gobolku galay marxalad adag oo dhan walba leh.

Horumar la'aanta baahsan ee ay maanta ku sugan yihiin deegaanada ay beesha Sade degto ayaa waxaa lala xariirinayaa in ay keeneen dagaaladii soo noq-noqday iyo marin habaabintii majaraha beesha ee dhan siyaasadeed iyo mid dhaqanba.

Intii ay socotay saxan-saxadii bilowga dagaaladii u dhaxeeyay Ururadii SNF iyo Al-Itaxaad ayaa waxaa jiray dadaalo nabadeed oo ka socday gobolka Gedo oo la doonayay in lagu baajiyo dagaal dhex mara laba Urur ee aan kor kusoo sheegay.

Dadkii sida weyn ugu ololeynayay in la baajiyo dagaal ka dhaca gobolka Gedo ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Sheik Mohamud Sheik Ali (Nabadoonka beesha reer Garaad) iyo Nabadoon Macalin Aadan Cabdi Geesey (Nabadoonka beesha reer Yuusuf), kuwaasoo aakhirkii ku guuleystay in ay gogol nabadeed dhigaan deegaanka Ceel cade.
Gebo-gebadii shirweynihii nabadeed ee Ceel cadde ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ahaa oo lagu heshiisiiyay labadii Urur ee SNF iyo Al-Itaxaad, ayada oo uu shirkaas Ururkii SNF uga qeyb galay Dr. Ali Nur Mukhtar oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Ururka SNF.

Waxaa xusid mudan in heshiiskii qodobadii Ceel cade ay si weyn uga careysiisay dowladda Itoobiya iyo daba dhilifyadeedii dhuuni qaate-yaasha ahaa ee diidanaa in ay nabad waarta ka dhacdo geyiga gobolka Gedo, taasoo aakhirkiina keentay in har cad mu'aamarad ay soo maleegtay dowladda Itoobiya lagu qaarijiyo Dr. Cali Nuur Mukhtaar oo isagu u bareeray in uu heshiis buuxa la galo Ururkii Al-Itaxaad.

Waxyaabihii ma kastada loo sheegi jiray ee aan oran karno waxay aheyd bilowgii dagaaladii lagu riiqmay ee gobolka Gedo ka dhacay ayaa aheyd ayada oo si sahal ah loo adeegsan jiray erayo laga soo min guuriyay wadamada reer galbeedka, laakiin aan macnahooda la garaneyn ee ahaa ARGAGIXISO IYO XAG JIR.

Dhowr iyo toban sano ka hor qaladkii ay beesha Sade gashay ee u horseeday guul darada, dib u dhaca iyo is fahan la'aanta ayaa hadda waxaa mar kale muuqata in aanay ka leexan isla wadadii qaladaneyd ee ay ku socdeen.

Sidaan kor kusoo xusayba, beryahaan waxaad arkeysaa shaqsiyaad garaacaya buunka colaadda iyo abuuris fidno hor leh oo la dhex dhigo dadka walaalaha ah, kuwaasoo aad u hadal haya in ay jiraan mas'uuliyiin sar-sare oo beesha ka tirsan oo xiriir la leh Argagixisada caalamiga ah, halka kuwo kalena dhowr jeer laga masaafuriyay deegaankii ay ku dhasheen ayada oo la leeyahay "waa Argagixiso ama xag jir iwm."

Isku soo duuboo, anigoo ka faa'iideysanaya Barnaamijka ay shebekada Allgedo ugu magac dartay Baraarujinta Bulshada, ayaa waxaan ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta mas'uuliyiinta beesha Sade ka tirsan oo lagu tilmaamo wax aanay ku lug laheyn.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa "god sireed ha qodin, haddii aad qodana ha dheereyn ku dhici doontidaa ma ogide!", taas waxaan ula jeedaa, waxaa muhiim ah in uu qof kasta oo Soomaali ah ogaado in fidnada uu bilaabo laga yaabo in ay isaga dib ugu noqoto.

Haddaba, hadaan dib ugu noqdo cinwaanka qormadaan oo ah "Ma dhab baa in qaar ka tirsan hogaamiye-yaasha beesha Sade ay yihiin Argagixiso?", jawaabtu waxay tahay - waxaa laga rabaa in ay cadeeyaan qolyaha hadal haya arrintaas, haddii ay cadeyn u waayaana, ha ogaadaan in mas'uuliyiinta ay ku tilmaameen in ay Argagixiso yihiin ay ka galeen danbi aad u weyn oo ay adag tahay in la'iska cafiyo.


Osman Muse Ali (Huruuse)
Palermo, Italy
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Ma dhab baa in hogamiye-yasha Sade ay yihiin Argagixiso?

Post by Voltage »

Excellent article and the people behind this waa la yaqaan, lakin the only thing is once they get the ball spinning are they sure it will stop by their feet??

The website behind this fitno: The tabloid piece of shit called Gedoweb

People behind this: Some former high ranking members of the clan
User avatar
Jeffrey Dahmer
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 634
Joined: Tue Dec 07, 2004 4:35 pm

Re: Ma dhab baa in hogamiye-yasha Sade ay yihiin Argagixiso?

Post by Jeffrey Dahmer »

[quote="Voltage"]Excellent article and the people behind this waa la yaqaan, lakin the only thing is once they get the ball spinning are they sure it will stop by their feet??

The website behind this fitno: The tabloid piece of shit called Gedoweb

People behind this: Some former high ranking members of the clan[/quote]

loooooooool, do you have a reading comprehension. He is talking about that Weli character.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”