Qeybo ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee joogay Duleedka Beledweyne oo aaday dhanka Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya
Sabti, December 29, 2007(HOL): Gelinkii danbe ee maalintii shalay ayaa gudaha Magaalada Beledweyne waxaa siweyn u soo buux dhaafiyay Ciidamo Itoobiyaan ah la arkayay iyaga oo ka adeeganaya qeybo ka mid ah meheradaha ganacasiga Magaalada Islamarkaana sarifanaya lagacta Doolarka ah oo ay u badalayeen Birta Itoobiya.
Sida HOL ay u sheegeen dadka degan goobaha ku dhaw halka ay fariisinka ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo ah duleedka Jente-guudsho waxaa la arkayay habeenimadii xalay tiro ka mid ah Ciidamada oo u ruqaansaday dhinaca Xadka gaar ahaa degmada Feer-feer ee ismaamulka Itoobiya.
Lama oga ilaa hadda sababta qeyb ka mid Ciidamada Fadhigoodu yahay duleedka Jante-guudisho uga tageen fariisinkooda, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro isbadal laga yaabo in lagu sameeyo ciidamada ku sugan G/dhaxe maadaama kol hore Ciidmado Fadhigoodu ahaa Duleedka Jante-guudihso loo raray Gobalka Gal-gaduud halka kuwo cusub oo ka yimid dhinaca magaalada muqdisho la dajiyay duleedka Magaalada Beledweyne.
Waxaa xusid mudan in Maalintii shalay Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-gaduud isaga baxeen Ciidamadii Itoobiya ee joogay kuwaasoo ilaa hadda aan la ogeyn sababta bixitaankooda.
Laakiin dadka sida weyn ula socda arimaha Malitariga Itoobiya ayaa sheegaya in wax cusub aysan aheyn in la arko Ciidamada Itoobiya oo mar kaliya baneeyay Goob ay fariisin ku lahaayeen, waayo ayeey leeyiin marka uu soo baxo amar lagu badalayo Ciidamadaasi ma\'aha xitaa kuwa suga inta laga keenayo kuwii badali lahaa iyada oo maalmo kadib lagu arko goobtii ay ka tageen kuwo cusub oo fariin ka dhigta.
Sidoo kale waxaa ay intaa ku darayaan dadka la socda arimaha Ciidamada aan la ogoleyn is faham dhax-mara Ciidamada Itoobiya iyo dadka ku dhaqan deegaanka ay ku sugan yihiin sidaa daraadeed mar walba waxaa qasab ah in la keeno kuwo cusub.
Sikastaba Ciidamada Itoobiya ee jooga G/dhaxe ayaa la kulmay dhowr jeer oo hore weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah joogitaankooda kaasoo ay ku dhiteen inta la og-yahay dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaaso ay ugu danbeeyeen dadkii ku dhintay iska hor-imaadkii ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Matabaan iyo Guri-ceel ee Gobalada Hiiraan iyo Gal-aduud.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia
XABASHIS LEAVE HIIRAAN
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 238 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 2 Replies
- 489 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by galia
-
- 12 Replies
- 478 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 13 Replies
- 2671 Views
-
Last post by GIJaamac
-
- 9 Replies
- 638 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 26 Replies
- 2374 Views
-
Last post by HabeshKid
-
- 5 Replies
- 681 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 22 Replies
- 1381 Views
-
Last post by Sanbalolshe
-
- 0 Replies
- 457 Views
-
Last post by KIYAN IS BACK!