Deg Deg: Abdi Igal Jama returns to Kismayo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Deg Deg: Abdi Igal Jama returns to Kismayo

Post by CoolPoisons »

Wafti uu hoggaaminayo taliyihii ciidamada guutada saddexaad oo Kismaayo soo gaar

Wafti uu horkacaya taliyihii ciidamada guutada saddexaad ee xoogga dalka Jubbooyinka C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maata ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Kismaayo, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen boqalaal dad ah iyo ciidamada magaalada Kismaayo oo watay gaadiidkooda dagaalka ee tiknikada.



Xubnaha waftiga ah oo ka soo kicitimay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa socdaalkiisa Kismaayo ku wehlinayey C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), saraakiil ay kamid yihiin Col: Aadan Maxamed Waceys (Koronto) iyo Col: Cabdi Cigaal Jaamac oo dhammantoodba ah saraakiil si weyn looga yaqaano gobolada Jubbooyinka xilal kala duwana horay u soo qabtay.



Taliyihii guutada saddexaad ee ciidamada xoogga dalka C/laahi Fartaag oo warfidiyeenka kula hadlay gegida Kismaayo ayaa sheegay in sababta ay Kismaayo u yimaadeen ay tahay in ay dib ugu soo laabteen guryahoodii muddo sanad ah kadib "Waanu soo gurya noqonay oo dadkeenii ayaanu u nimid, wax ka dheeri ah ma jira" ayuu yiri C/laahi Fartaag oo wariyayaasha la hadlay markii ay garoonka Kismaayo soo caga dhigatay diyaaraddi siday.



C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kamid saraakiil ciidamada dowladda KMG ah ka tirsanaa oo 11 bishii February ee sanadkii hore ku dhaawacmay qarax bam boo lagu soo tuuray fagaaraha Beerta xoriyadda Kismaayo, tan iyo xilligaasna waxaa uu howla caafimaad u joogay magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia.



Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Deg Deg: Abdi Igal Jama returns to Kismayo

Post by CoolPoisons »

Jama Adan Dhere is on the next plane
sadeboi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11690
Joined: Wed Jun 02, 2004 7:00 pm
Location: Reer Siyaad Ugaas

Re: Deg Deg: Abdi Igal Jama returns to Kismayo

Post by sadeboi »

[quote="CoolPoisons"]Jama Adan Dhere is on the next plane[/quote]

lol...your funny...
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Deg Deg: Abdi Igal Jama returns to Kismayo

Post by Murax »

[quote="sadeboi"][quote="CoolPoisons"]Jama Adan Dhere is on the next plane[/quote]

lol...your funny...[/quote]


looool


That was funny.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Deg Deg: Abdi Igal Jama returns to Kismayo

Post by CoolPoisons »

Ba'ayestaboi and Ali Husein doqon, why are U laughing? His Majesty Jama Adan Dhere will return
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”