Afhayeenka Sade\'\'Mar dhaw ayaan ku dhawaaqi doonaa Jubbala

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Afhayeenka Sade\'\'Mar dhaw ayaan ku dhawaaqi doonaa Jubbala

Post by Hiiraan boy »

Afhayeenka Beesha Sade\'\'Mar dhaw ayaan ku dhawaaqi doonaa Maamulka Jubba Land\'\'.

Afhayeenka Beesha Sade Xasan Max\'ed Dheere ee maamusha magaalada Kismaayo ayaa daboolka ka qaaday in ay gabagabo u mareyso howsha ku aadan ku dhawaaqitaanka maamul Goboleed la magac baxay Jubba Land oo ay ka sameyn doonaan gobolladooda.

Xasan Dheere oo Saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ay kaliya uga harsan yihiin howlahaasi in ay heshiisiiyaan beelaha Kablalax iyo Sade kadibna ay ku heshiin doonaan maamul Goboleed ay wada sameystaan.

Afhayeenka Besha Sade waxaa uu tilmaamay in maamulkaasi uu noqon doono mid ka shaqeeya nabad galyada Gobollada Jubooyinka iyo Gedo si looga gudbo dhibaatooyinka xoogan ee ka taagan halkaasi.

Mar uu soo hadal qaaday afhayeenka dawladda Federaalka waxa uu sheegay in ay wali taagan yihiin mowqifkoodii diidmada ahaa ee Xukuumadda Cusub ee Nuur Cadde isla markaana aysan ogolaaneyn in xaqoodii la doodsiiyo.

Beesha Sade ayuu sheegay in ay laheyd xilka Wasiirka arrimaha dibadda dawladda Federaalka laakin sida uu yiri C/laahi Yuusuf uu ka hor istaagay isla markaana u dhiibay ina adeerkiisa Cali Axmed Jengeli.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”