BREAKING NEWS THE HOTTEST BATTLE IN MUQDISHO. TIKNIKO INVOLV
Posted: Tue Jan 15, 2008 1:42 pm
Waxaa caawa dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay dareemeen casbsi lamid ah markii dagaalada ay ka jireen magaalada,iyadoo Itoobiyaanka ay BM si ba'an ugu garaacayaan xaafadaha qaar halka kooxaha Hbeysan ay ku jiraan dagaal aad u qaraar oo Baasuukayaaal loo adeegsanayo.
Dagaalada ayaa qeyb kamid ah waxaa ay ka qarxeen dhanka Warshadda Xeyle Bariise ilaa warshadda Baastada halkaasi oo weerar ay ku qadeen kooxaha hubeysan laakin ay la kulmayaan iska caabin aad u xoogan.
Sidoo kale waxaa weerar uu ka dhacay qeybo kamid ah deegaanka Towqfiiq oo ay ku hardamayaan Ciidamada dawladda Federaalka iyo kooxaha Hubeysan iyadoona dagaalka dhankaasi uu yara ka qabow yahay midka dhinaca kale.
Waxaa sidoo kale rasaas xoogan laga maqlayaa dhanka warshadda Caanaha inkastoo aan laxqiijin kareyn sida ay tahay xaaladu laakin waxaa magaalada dhamaan laga maqlayaa madaafiicda dagaalka.
Caawa waxaa dagaalka ku Cusub in Ciidamada Itoobiyaanka ay adeegsanayan Taankiyadooda iyo BM-ka oo waayahan aysan adeegsan halka kooxaha Hubeysan ay iyana ku dhawaadeen sida la sheegayo xarumaha Itoobiyaanka si dagaalka aysan gawaarida uga qeyb qaadan.
Si Ba'an ayaa loo adeegsanayaa labada dhinac madaafiicda iyadoona cirka holac iyo dab iyo dhimbil gaduudan uu mar qura noqday,waxaase la sheegi kareyn khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.
Wali waxaa iminka dhacaya rasaas xoogan sidani oo kalena loogama baran dagaalada habeenadii oo ahaan jiray ku dhufo oo ka dhaqaaq balse caawa waa mid toos ah.
Wixi kusoo kordha kala soco Shabakadda Markacadey.net