Badhan oo u gacan-gashay Maamulka Somaliland

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
sNm_RaPpa
Posts: 5
Joined: Tue Feb 12, 2008 4:49 pm

Badhan oo u gacan-gashay Maamulka Somaliland

Post by sNm_RaPpa »

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xalay [habeenimo Axad] ay gudaha magaalada soo galeen ciidamo ka socda maamulka gooni-isutaaga ah ee la magacbaxay Jamhuuriyada Somaliland.

Ciidanka Somaliland ayaa waxaa hogaaminaya sarkaal ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa lagu soo koobay Indha-yare.

Dad xog-ogaal ah oo jooga Magaalada Badhan ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in ciidanka Somaliland ay soo dhaweeyeen dadka degaanka.

Badhan ayaa ah xarunta Sanaag Bari oo ah qeybta gobolkaas oo awal gacanta ugu jiray Dowlad Goboleedka Puntland.

Magaalada Badhan waxay u jirtaa magaalada dekeda leh ee Boosaaso khiyaastii 95KM jidka isku xira Gaalkacyo-iyo-Boosaasona waxay u jirtaa 90KM.

Wax war ah oo la xiriira la wareega gacan-ku-haynta Magaalada Badhan kama soo bixin Maamulka Puntland.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidan kale oo Somaliland ah oo uu hormuud ka yahay sarkaal u dhashay Gobolka Sanaag oo lagu magacaabo Muuse Jaamac ay u wajahdeen dhanka Magaalada Dhahar.

Bishii April ee sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa Dhahar ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland iyadoo markii danbe ay Puntland ku guulaysatay inay sii hayso maamulka magaalada.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaal ka qarxo degaanka Dhahar.
User avatar
Kramer
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4342
Joined: Sun Apr 03, 2005 12:45 pm
Location: At Cawar's house, watching TV while Ina Baxar is practicing nursing on Cawar!
Contact:

Re: Badhan oo u gacan-gashay Maamulka Somaliland

Post by Kramer »

First it was Sool and now Sanaag? man what is next Bosaso and Garoowe!!
User avatar
Wareer
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1182
Joined: Sat Mar 29, 2003 7:00 pm
Location: MaakhirLAND-Wareer chilling with a Nubian girl

Re: Badhan oo u gacan-gashay Maamulka Somaliland

Post by Wareer »

Nowadays, the propogandist news spreads faster and people fall easily for it.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”